SomaliTalk.com

 

Xaflad muhiim ah oo lagu qabtaya magalada qahira oo ay soo qaban qaabiyen naadiga aradayda somaliyed iyo jaaliyadda qaahira

 

 

Waxa malintii sabtida ahyad galabnimadedi lagu maamusay xaflad aad u balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen naadiga ardayda somaliyeed iyo jaaliyadda somaliyeed ee ku dhaqan wadanka masar gaar ahaan magaalada qaahira xafaladaas oo lagu abaal mariyay aradayda jamacadaha ka barta magaalada qaahira iyo caruurta somaliyeed ee ka soo laabtay wadamada yurub iyo maraykanka iyo Canada iyo wadamada kale ee reer galbeedka, loona keenay halkan si ay ugu bartaan diintooda islamaamka iyo ku dhaqankeeda.

 

 

ardayadaas oo wadanka masar aad uga faa ii daysatay kuna baratay kitaabkal alle ee qur aan ka kariim ka ah iyo diinta islaamka dhinacyadeeda kala duwan .

 


 

 

Waxa u suurtay gashay naadiga ardayda somaliyeed ee qahira iyagoo gacan ka helaya jaaliyadda somaliyeed ee ka soo laabatay qurbaha inay fuliyaan tartanka qur’aanka kariimka ah ee la qabtay bishii ramadaan ee barakaysnayd ee la soo dhaafay taariikhdu markay ahayd 23-25 ramadaan. taran kaan oo ahaa kii ugu horreeyay ee ay qabtaan iskana kaashadan naadiga iyo jaaliyadda somaalida ee ku dhaqan wadanka masar. xafladdaan oo ahayd mid si hab sami ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday hoolka shirararka ee jaamacadda al-azhar qaybteeda dhaqaalaha malintii sabtida ahayd ee ku aadanayd 20/10/2007 xafladaas oo lagu gudoon siiyay abaal marinno arday gaaraysaa boqol iyo shan arday oo ka qaybgalay tartan kii quraanka kariimaka ah abaal marimaha ardayda oo ahaa kuwa aad u qiima badnaa, si waynna ay ugu farxeen waaliddiintii iyo ardaydii ka soo qayb gashay tartanka , ayadoo abaalmarimaha la wada gaarsiiyay ardayda dhammaantood.

 

 

Xaflada ayaa waxa ka soo qaybgalay dad gaaraya ilaa shan boqol oo qof dad kaas oo ay kamid ahaayen macalimiin,waalidiin, iyo aradayda ka qaybgashay tartanka iyo dhalinyarada jaamacadaha ka dhigata magaalada qaahira dadkaas oo dhamaan xafalada u xiisaynayay si wayn oo ay ka muuqato xurmaynta qur.aanka kariimka .

 

 

Xafladda waxa hadalo ay qiiro ku dheehantahay ka soo jeediyay cabdi deeq shire oo ku magac dheer (ILAAHOW NA ILAALI ) cabdi deeq oo ah nin aad iyo aad kaalin aan la ilaawi Karin ka qaatay isku dabbaridka iyo meel marinta tartanka quraanka kariimka iyo xafladdaba , cabdi deeq ayaa ku boorriyay waalidinta inay ilmahooda ay kala soo carareern dhulka reer galbeedka inay kula dadaalaan quraanka iyo xifdintiisa iyo kor u qaadista kitaabka alle iyo inay sii wadaan tartankaan sanad walaba si ay hawshaani horay ugu kacdo . kuna dadaalan meel marinta tartanka kor u qaadista qur’aanka kariimka ah.

 

 

ILAAHAOW NA ILAALI ayaa isaga oo hadalkisa sii wata waxa uu uu yiri : “waxan ku waalanahay kor u qaadista quraanka kariimka ah ilaa muddo 11 sano ah marka igu dayda” .

 

 

Waxa kaloo hadalo ka jeediyay xafladda gudoomiyaha naadiga ardayda soomaliyeed cabdu qaadir khayrre oo isaguna aad uga waramay sida barnaamijkaan loogu dhibtooday iyo hadafka laga lahaa oo ah in la badbaadiyo ubadaka somaliyeed e lagala soo cararay qurbaha si aysan uga tagin dhaqan kooda iyo diintodaba kuna boorriyay dadka dibadda ilamaha ku haysta inay la soo gaaran dhulalaka islaamka ay ka mid tahay wadankaan masar .

 

 

Waxa kaloo halakaas ka hadalay guddoomiye ku xigeenka naadiga ardayda somaliyeed cabdi xakin cali gooni oo aad uu faah faahiyay qaabka ay xafladda iya tartanku isugu dubba dhaceen, waxa uuna ka waramay sida ay dhaqaalaha u helin iyo qaabka ay u maareeyen .mar uu waalidiinta la hadalay waxa uu yiri:(WAXAN IDINKA QAADANAY DHAQAALE, LAKIN WAAN IDIIN SOO CELINAY ILMIHIIINI OO AAD IYO AAD MAANTAY U FARAX SAN ).

 

 

 

 

waxa ku guulaysaty kaalimaha hore ee aradaydii tartanka quran ka kariimka ah aradayda kala ah :

 

ARDAYDA YARYAR SODONKA JUS EE QURAN KA

 

KAALINTA KOWAAD WAXA GALAY : KHAALID AXMAD JAAMAC OO JIRAY 12 SANO JIR AH

 

KAALINTA LABAAD WAXA GALAY WALALKIIS :CABDU LAAHI AXMAD JAAMAC OO 13 SANO JIR AH

 

KAALINTA SADDEXAAD WAXA GALAY JAMIILA CUSMAAN NUUR OO 13 SANO JIR AH

 

ARDAYDA WAA WAYN SODONKA JIS EE QURAANKA :

 

KAALINTA KOWAAD WAXA GALAY SHUCAYB MACALIN BUULLE

 

KAALINTA LABAAD WAXA GALAY CABDI SAMAD MACALIN SHIIKH

 

KAALINTA SADDEXAAD WAXA WAXAA GALAY CABDI MAALIK

 

Waxa kaloo iyana jiray araday ku tarnatay qaybaha kala duwan ee 20 ka jus iyo 15 jus iyo 10 jus iyo 5 jus iyo 3 jus iyi hal jus .

 

Waxaana dhammaantood la guddoonsiiyay abaal marinno kala duwan kooxkata sadexda ugu horaysa .

 

waxan wax ilaah loogu mahdiya ah in ay somalida qaahira ku nool shanta somaliyed ba ay ku midaysan yihin naadiga aradyda somaliyeed ee qaahira oo aan lakal saarin shantii somaliya .

 

Waxaa uu mahad gaara u celinyaa naadigu waalidinta iyo shakhsiyaad ku dhaqan wadanka UK oo iya gu ka qayb qaatay iyagaoo ka maqan mesha lagu qabtay .

 

Waxa kaloo naadiga ardayada somaliyeed iyo jaaliyada somaliyeed tahniyad halkaan u marinayaan waalidiinta ay ilma hoodu ku guulaysten kaalimaha hore waxayn ku boorinayan inay halkaas ka sii wadan xifdinta qur”aanka iyo ku dhaqan kiisa

 

MAHAD SANIDIN DHAMAAN AKHRISTA YAASHA

 

NAADIGA ARDAYDA SOMALIYEED IYO JAALIYADA SOMALIYEED EE KU DHAQAN WADANKA MASAR

 

GUDOOMIYE KU XIGEENKA ARDAYDA SOMALIYEED EE MASAR

 

CABDIXAKIN CALI GOONI

 

EMAIL: qardhood@gmail.com

 

qardhood@hotmail.com

 

TEL:002010093120

 

IYO

 

cabdi deeq shire (ILAAHOW NA ILAALI)

 

TEL:0020121956618

 

WABI LAAHI TOWFIIQ

 

Faafin: SomaliTalk.com Oct 22, 2007

Advertisements