geeddi
Ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi

Ra’iisal wasaaraha dowladda KMG ah, Cali Maxamed Geeddi, ayaa saaka socdaal aanan hore loo sheegin ugu ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Socdaalka ra’iisal wasaaraha ayaanan hore loo sii sheegin, hase yeeshee waxaase la filayaa in ay xiriir la leedahay khilaafka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya isaga iyo madaxweynaha dowladda KMG ah.

Maalintii shalay ayuu baarlamaanka dowladda KMG ah go’aamiyey in khilaafka xagga dastuurka uu ka hawlgalo, taasoo macneheedu yahay in dowladdiisa codka kalsoonida ah loo qaado.

Shalayna ayaa kulanka baarlamaanka waxaa isaga baxay qaar badan oo ka tirsan xubnaha, hase yeeshee guddoomiyaha baarlamaanku, Sheekh Aadan Madoobe, waxa uu go’aamiyey in ay ansax tahay in la guda galo khilaafka xagga dastuurka.

 Source: BBC Somali

Advertisements