Dhahar:- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Maakhir ayaa waxa uu kusoo wajahan yahay Degmada Dhahar iyadoo ay weheliyaan Xoghayaal ka mid ah Dowladiisa si ay shir ugu qaataan Magaalada Dhahar ee xarunta 2aad ee Maamul Goboleedka Maakhir State
Sidoo kale warar si kalsoon nagu soo gaarey ayaa waxay tibaaxayaan in Raysul Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Maakhir uu isna kusoo wajahan yahay Magaalada Dhahar isagoo maalmahanba Ku sugnaa Magaalada Boosaaso oo ay ka jireen gumaad lagu hayey dad u dhashey Beesha Warsangeli.
Madaxweynaha oo in mudo ahba ku sugnaa degmooyinka Xingalool, Ceerigaabo, Yube ayaa safarkiisa lagu micneeyey inuu ku saabsan yahay shirar uu la yeelan doono Odayaasha Beesha Dubays ee Warsangeli si mawqif cad looga qaato mashaqada Boosaaso.
Safarka Madaxweynaha ee Magaalada Dhahar ayaa yimi xili ay ciidamo ku abtirsada Maakhir ay saldhigyo ka sameysteen Laag, Galgala, Sherbi iyo deegaano kale oo ku yaala Bariga si ay uga hortgaan xasuuqa ay wadaan maleeshiyo beeleedka Cade Muuse.
Waxaa intaa dheer in Wax garadka beelaha Harti ay maalmahanba ku mashquul sanaayeen sidii loo xalin lahaa mashkilada ka taagan Boosaaso iyadoo ilaa iyo hada ay Beesha Cade Muuse diidan tahay talooyinka beelaha kale.
Maalintii Isniinta ahayd ayaa waxaa wada hadley waxgaradka beesha Cali Saleebaan, Cali Jabrahiil iyo wax garadka Beesha Dubays si ay meel wax isla dhigaan isla markaana dhiig iyo dagaalba laga bad baado.
LaasqorayNET/Dhahar.

Advertisements