Garowe:- Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxay wadaan abaabul milateri oo loogu talo galey sidii uu Maamulka Puntland dib u hanan lahaa Gobolka Sool oo dhowaani ay xaruntiisu gacanta Puntland ka baxdey iyadoo abaabulkani yimi xili ay dadka Reer Laascaanood bilaabeen iney ka qaxaan magaalada.
Warar si kalsooni ah nagu soogaarey oo dhinaca madaxtooyada Puntland naga soo gaarey ayaa waxay noo xaqiijiyeen in Cutubyo xoogan ay kasoo kicitimeen Gobolada Mudug iyo Banaadir iyagoo kusoo wajahan Sool.
Warku waxa uu intaa ku darayaa in Maamulka Cade Muuse uu ku guul dareystey in uu ciidamo ka helo Gobolka Sanaag iyadoo deegaanadaas dhowaan looga dhawaaqey maamul goboleed ka madax banaan Puntland.
Waxaa intaa dheer oo ay xogtu noo qeexdey in Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo kasoo jeeda Degmada Dhahar uu ku guul dareystey inuu wax ciidamo ah ka helo Reer Dhahareed iyagoo sheegey ineysan diyaar u ahayn iney ka qeyb galaan colaada dhex taala Reer Sool.
Maamulka Puntland ayaa qorsheynaya inuu dib ugu noqdo xarunta Gobolka Sool sida wararka ka imanaya magaaladaasi ay sheegayaan in maamulka Somaliland uu soo xoojiyey ciidamo fadhiyey duleedka magaalada.
Colaada Sool ayaa waxay salka ku haysaa muranka ka dhexeeya labada Maamul ee Puntland oo midba ku doodayo xaq ulahaanshaha gobolkaas.
LaasqorayNET/Garowe

Advertisements