Dhahar:- War goor dhoweyd naga soo gaadhey caasimadda gobolka Booxaaro ee Dhahar ayaa tibaaxaya inuu maanta duhurnimadii halkaas gaadhey madaxweynaha maamul goboleedka Maakhir Col. Jibriil Cali Salaad iyadoo ay wehiliyaan wufuud sar sare oo ka mid ah golaha Xukuumada Maakhir.

Madaxweynaha waxa safarkiisa ku weheliyey rag ay ka mid yihiin Xildhibaan Siciid Nuur Maxamed Dacar, xildhibaan Carab Huruuse, Guddoomiyihii gudida shirka dibu heshiisiinta Soomaaliyeed uga qayb gashay reer Maakhir Maxamuud Cali Ciiro ( Qoobay-qaaddaba) iyo Keyse Cali Garaad.

Sidoo kale waxa magaalada Dhahar ku sugan Guddoomiyaha barlamaanka Inj. Axmed Guure Aadan oo maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ku tegey magaalada Boosaaso ee mashaqadu ka dhacday , sidoo kale Xoghayaha Arimaha gudaha iyo Amniga ee Maakhir State Md. Doonyaale , taliyaha Nabad sugidda ee Maakhir Col. Cali Sanaag, madaxda gobolka Booxaaro iyo saraakiil ciidan oo u dhashay gobolada Maakhir State.

Madaxweynaha iyo xubnaha la socda ayaa la filayaa iney kormeer ku kala bixin doonaan dhammaan degmooyinka gobolada Maakhir , iyaga oo ka bilaabaya magaalada Dhahar, kuna xejin doona Balli-busle, Xingalool, Damalla-xagarre, Daarasalaam, Carmale , Yube iyo Hadaaftimo .

Maalinta berri ah ayaa weftigu shirar kala duwan oo xog waraysi iyo wada tashi la yeelan doonaa masuuliyiinta halkaas ku sugan iyo cuqaasha gobolka Booxaaro.

Safarka Madaxweynaha iyo xubnaha la socda ayaa waxa uu salka ku hayaa xaaladda adag ee dalku marayo ee qalalaase, iyadoo laga taxadarayo in degaanada Maakhir ay ka dhacdo sida ka dhacday gobolka Sool.

Sidoo kale daan-daansiga iyo dhibta ka jirta gobolka Bari oo reer Maakhir wax ka degaan in si xeeldheer looga baaraan-dego, loona maareeyo sida ugu macquulsan.

LaasqorayNet + Dhahar.com

Advertisements