Boosaaso: Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha Cali Buureed ayaa shir jaraa’id uu ku qabtey xarunta ganacsiga Puntland ee magaalada Boosaaso sheegay in arintii ka dhacdey magaalada Boosaaso ay ahayd mid khalad ah, taasna looga joogo in ay dowlada saxdo. Wasiirka ayaa sheegay in ay dadaal ugu jiraan inaysan waxdambe dhicin.


Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan masuu’liyiin ka tirsan Puntland oo saxaafadaha ka sheegay in arintan ay gacan ku leedahay Alshabaab ama waxa ay ugu yeereen argagixiso taas oo ah been abuur oo aan waxba ka jirin isagoo markaasi ka wada wasiirka dekedaha siciid raage iyo taliyaha ciidanka c/casiis gacmay. Sidoo kale ayuu yiri isla masuuliyiinta qaar ka mid ah Puntland in ay saxaafada ka sheegeen in Somaliland ku lugleedahay taasoo ayuu yiri ah been aan raad lahayn.


Wasiirka ayaa wuxuu ka hadlay in gudi dowlada FD Soomaaliya ay soo dirtey uu maanta soo gaarey, dhankooda Puntlandna ay aad ugu suxul duubanyihiin sidii looga xaal marin lahaa khaladkii laga galay shacbiga. Isagoo yiri arintan ayaa ah mid dad masuuliyiin wax yaala lakala tirsaday ay u isticmaaleen si khalad ah. Hadana uu kala hadlay odayaal dhaqameedka in aanan aargoosi dhicin. Wuxuu yiri Cali buureed beeshu wax bay soo dalbatey, Wixii ay dalbadaana in ay dowlada tix galin doonto loona sameyn doono. Wasiir Cali Buureed ayaa wuxuu ku noqon doonaa magaalada Dhahar halkaasoo uu u tagi doono shir beeleed looga yeerey in uu ka qeyb galo. Wasiirka ayaa ugu baaqey dowlada iyo shacabka in ay dhowraan nabad galyada kana fogaadaan wixii kala dili kara dadka sokooyaha ah ee isku danta ah.


Isku soo duuboo wasiir Cali Buureed ayaa wuxuu sheegay in ay arintii ka dhacday boosaaso ay tahay mid si khaldan loo sameeyey, waxaana xusid mudan in uu yiri arintii Dagaalada Majiyahana ay ahayd mid qaldan waqtigii Majiyahan. Taasoo u muuqata in uu isaga kaliya yahay qofka sheegaya qaladka iyo saxa ee aysan la qabin ama muujin masuuliyiinta kale ee Puntland. Wasiirka ayaa yiri “hadii lana dhagaysan lahaa ama odayaasha la dhagaysan lahaa sidaan wax uma dhaceen”.


HALKAAN KA DHAGAYSO SHIRKII JARAA’ID

by dhahar.com

Advertisements