Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Faransiiska, ayaa sheegay inay bilaabi doonaan Hawlgal ay ku soo gelbinayaan Maraakiibta shixnadaha Cuntadda u soo wada dalka Somalia, xilli ay kooxaha burcad-badeedda khatar ku hayaan Maraakiibta isaga kala gooshta Baddaha dalka Somalia

Taliyaha Guutadda  Ciiddanka Badda ee dalka Faransiiska ee joogta Badweynta Hindiya, Admiral Jaak Loonaay, ayaa sheegay inay raxan Maraakiib ah u xil-saareen inay la shaqeeyaan Hay’adda QM ugu qaabilsan Cuntadda Adduunka “WFP”, si ay gacan uga siiyaan sidii Kooxaaha burcad-badeedda looga waabin lahaa Maraakiibta wada Shixnadaha samafalka ee ku sii jeeda dalka Somalia.

Admiral Loonaay, waxa uu sheegay inay Maraakiibta dagaalka ee Faransiiska si gaar ah u ilaalayn doonaan Maraakiibta u kireysan Hay’adda WFP ee shixnadaha ka soo qaada Dekedda magaalladda Mombasa ee dalka Kenya ee ku soo jeeda Dekedda magaalladda Muqdishu iyo kuwa Koonfurta Somalia, wuxuuna sheegay inay ka jawaabi doonaan weerar kasta oo kooxaha burcad-badeedda ku soo qaadaan Gaadiidka badda ee Kaalmadda Aadminimo u soo wada dalka Somalia.

Tallaabadda ay Ciiddamadda Badda ee dalka Faransiiska ku ilaalayn doonaan Maraakiibta u kireysan Hay’adda WFP, ayaa ku soo beegantay, kadib, markii uu Madaxweynaha dalkaasi, Nikolas Sarkuusi uu sheegay inay Ciiddamadiisa wax ka qaban doonaan khatarta ay Burcad-badeeda ku hayaan Maraakiibta Smaafalka iyo kuwa Ganacsiga ee ku soo jeeda Xeebaha dalka Somalia.

Hay’adda QM  ugu qaabilsan Cuntadda Adduunka “WFP”,, waxay horey cabasho uga muujiysay khatarta ka jirta Baddaha dalka Somalia, waxayna sannadkii 2005-tii joojiyeen dhamaan Shixnadihii Mucaaawinadda ee ay u soo diri jireen qeybo ka mid ah dalka Somalia, kadib, markii ay kooxaha burcad-badeedda afduubteen Maraakiib shixnaddo Samafal u soo waday dalka Somalia

Advertisements