somali

 

 

Qof rayid ah ayaa ku dhintay laba askari oo Itoobiyaan ahna way ku dhaawacmeen qarax miino oo maanta ka dhacay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Cod ahaan

ad goob joogayaal ah ayaa qaraxa ku tilmaamay miino dhulka lagu aasay oo bar tilmaameedku ahaa gaari ka mid ah ciidamo Itoobiyaan ah oo kolonyo ah oo halkaasi marayay.

Ciidamada oo marayay deegaanka Lafoole ayaa waxa ay kusoo jeedeen dhinaca magaalada Muqdisho, iyadoo gaarigu markii uu qarxay holac iyo qiiq weyn uu ka baxay.

Ciidanka Itoobiyaanka ayaa qaraxa ka dib dhulka ku daatay iyagoo rasaas ay ku furayeen wixii aaga ka dhawaa uu ku dhaawacmay qofka rayidka ah.

Ciidanka Itoobiyaanka ayaa xiray wadadaasi oo in cabaar ah ay joogsadeen dhaqdhaqaaqa gaadiidka.

Ciidamada Itoobiyaanka oo watay gawaari ilaa labaatan ah ayaa soo galay galabta magaalada Muqdisho, iyadoo wadooyinkii ay marayeen laga joojiyay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadweynaha.

Dhinaca kale ganacsade la oran jiray Cumar Maxamed Afrax ayaa galabta niman dabley ahi ku dileen Suuq Bacaad.

Cumar waxa uu ka mid ahaa odoyaashii ka qeybgalay shirkii dib u heshiisiinta ee dhawaan lagu qabtay magaalada Muqdisho.

BBCSOMALI.COM

Advertisements