Ciidamada dowladda

Magaalada Muqdisho, waxaa maalintii labaad maanta ka dhacay dagaal xoog leh oo ay isaga horyimaadeen kooxo kacdoon ka wada magaalada oo dhinac ah iyo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo is taageersanaya.

Kooxaha kacdoonka ka wada magaalada, ayaa la wareegay iyadoo dadwayne markaas kadib ku xoomay oo gubeen saldhigyada ciidamada Booliiska ee Hawlwadaag, halka ciidamo ku soo laabtay saldhigga Hodan maanta mar kale kooxaha dagaalamaya ka eryeen.

Halkan ka dhagayso

Wasiirka Arrimaha Guddaha dowladda ku meelgaarka ah, Maxamed Maxamuud Gacmadhere, ayaa sheegay in kooxaha ciidamada dowladda la dagaalamaya ay yihiin koox dhalinyaro ah oo uu sheegay in dharka ardayda u isticmaaleen dagaalkii shalay.

Wuxuu sheegay in dowladdu ay waddo qorshayaal ay ku xaqiijinayso ammaanka, iyadoo kaashanaysa wax uu ugu yeeray ciidamada caawinaya.

Halkan ka dhagayso

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamed Cumar Xabeeb, (maxamed Dhere), ayaa ugu baaqay in dadwaynaha ku dhaqan goobaha la isku hayay maalmihii ugu dambeeyay ay ka baxaan si aanay dhibaato uga soo gaarin dagaalka.

Wuxuu xusay ganacsatada gobolka Banaadir oo heshiis la gaaray awgeed in ay go’aansadeen in aysan duulaan xoog leh ku qaadin deegaanada ku dhow dhow Bakaaraha ama suuqa laftiisa, taasina ay dhalisay buu yiri laba saldhig lagala wareego.

Halkan ka dhagayso

Guddoomiyaha guddiga ganacsatada gobolka Banaadir, ayaa sheegay in dagaalkii maanta uu saamayn xoog leh ku yeeshay suuqii bakaaraha oo boqolaal kun oo qoys uu sheegay in nolol maalmeedkoodu uu ku xirnaa.

Wuxuu guddoomiyuhu xusay in waxa magaalada ka socdaa aysan ahayn wax la maqlay oo dadka la xasuuqay sida uu yiri, isagoo ugu baaqay dowladda in ay dadka dhibaatada ka dayso.

Halkan ka dhagayso

Xaaladda magaalada ayaa galinkii dambe deganayd, oo marka laga reebo rasaas mar mar la maqlayo aanuu ka jirin wax dagaal ah.

Qaar ka mid ah goobihii lagu dagaalamay maanta, ayaa wararku sheegayaan in ciidamo ay isku horfadhiyeen ilaa goor dambe.

 

Source: BBCSOMALI.COM

 

Advertisements