Badhan:-(LQNET) Madaxwaynaha maamul Goboleedka Maakhir oo haatan ku sugan xarunta maamulka Maakhir ee Badhan ayaa ka war bixiyay safar uu dhawaan ku soo kala bixiyay Degmooyin badan oo ka tirsan maamulka maakhir,Coll Jibriil Cali Salaad oo war baahinta Galabta war siiyay ayaa shaaca ka qaaday inuu aad ugu soo guulaysteen hawlihii ay ugu boqooleen Degmooyinkaas ka tirsan maamulka Maakhir.


Coll Jibriil Cali Salaad Madaxwayane Maakhir ayaa sheegay inuu Safara ku soo kala bixiyay isaga iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka, magaalooyin badan oo ay ma mid tahay Xarunta Gobolka Booxaaro ee Dhahar waxana uu intaas raaciyay in halkaas aad loogu soo dhaweeyay oo ay dhamaan shacaba ku dhaqan Gobolka Booxaaro ay gacamo furan ku soo dhaweeyaan, iyadoo uu sheegay inuu markaasi Degmada Dhahar ku sugaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Maakhir Eng Guure Axmed Adan iyo Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga Doonyaale, maamulka Gobolka Kan degmada Dhahareed dhamaan ay niyada furnaan ku soo dhaweeyaan waftigaasi.


Madaxwayne Maakhir ayaa intaas raaciyay inay kulan ku yeesheen Degmada dhahar kulankaas oo ay dhamaan goob joog ahaayeen waxagaradka deegaanka, Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka waxan uu sheegay inay shirkaas waxa yaabo badan ku jeex jeexeen isaga iyo masuuliyiin uu kulankaasi la qaatay,Madaxwaynihu waxa uu xusay inay kulankaas aad loogu jeex jeexay mashaqdii ka dhacay magaalada Bosaaso ee Dhalinta Reer Maakhir Jiibta loo adeegsaday isaga oo sheegay inay isaga iyo Masuuliyiintii aad u sala af garteen Talaabada ku wajahan in laga qaado arinkaas.


” Waxaan ugu baaqayaa Maamulka uu hormuudka u yahay Cade Muuse inay si deg deg ah u sii dayaan dhalinta sida sharci darada ah ugu xidhan Jeelasha magaalada Bosaaso kuwaas oo lagu haysto xaq daro waxaan aad ugu cel celinayaan in maamulka Puntland uu ilaaliyo Daris nimada iyo Nabad ku wada noolaashan ha” Saas waxa yiri Madaxwayen Maakhir Jibriil Cali Salaad”


Dhanka kale Madaxwayne Jibriil Cali Salaad waxa intaas raaciyay in Maamulkiisu uu kulan Deg deg ah ka yeelan doona arimo badan oo ay ka mid yihiin sida Shakhsiyaad yar oo uu sheegay inay yihiin Dawlada diid kuwaas oo uu sheegay inay Talaabo cad ka qaadayso Dawladii hadaanay u hogaamsamin Siyaasada dawlada Waa sida uu hadalka u dhigaye.


Ugu danbayntii Madaxwayne Maakhir ayaa maamulada Jaarka la ah maamulka Maakhir sida Somaliland iyo Puntland inay joo jiyaan dagaalka oo ay shacabka ka daayaan barakac iyo xasuuqa baahsan kuwaas oo sheegay inay wada hadal wax ku dhamaystaan.
Isku soo dooboo Hadlka Madaxwayna ayaa ku soo beeg maya xili ay Dalka Somaliya meela ka mida ay ka jiraan dagaalo iyo Barakac baahsan waxana hadalkan aad ka dheehan kartaa in uu yahay mid ay ku jirto danta Somaliya.

Jaamac Ayaanle Feyte
LaasqorayNet- Bosaaso
Feyte37@hotmail.com

Advertisements