Dhageyso qudbadda is casilaadda RW Ge
 
 

Ra’isulwasaare Geedi oo 5 tii maalmood ee la soo dhaafay kus ugnaa magaalada Addis ababa ayaa is casilaadiisa ay timid ka dib markii kulan uu la qaatay Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Somalia C/laahi Yuusuf Axmed, iyadoo kulankaasi ay goobjoog ka ahaayeen wafuud ka socota dowladda Ethiopia oo saakay la timid Ra’isulwasaare Geedi.

Ra’isulwasaare Geedi ayaa kulankaasi ka dib ku sheegay qudbad uu ka jeediyay xarunta Baarlamanka ee magaalada Baydhabo in uu ka tagay jagadii ra’isulwasaare nimo.

Geedi ayaa ayaa waxa uu sheegay in uu soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay golayaasha dowladda isla markaana uu tanaasul u sameynayo sidii qaranimada dalka Somalia ay u hirgali laheyd dowladana ay horey ugu socon laheyd.

” Idinka ma tagin mana idinka dheeri, kamana safrayo halkaan, waxaan ahay xildhibaan, Istaqaaladeyda waxaan u gudbiyay Madaxweynaha, wuuna iga aqbalay” ayuu ku yiri Geedi Mudanayaasha Baarlamabka qudbad uu maanta ka jeedinayo Xarunta ADC ee magaalada Baydhabo.

Dhageyso qudbad Madaxweyne C/laahi Yuusuf uu jeediyay ka dib is casilaada RW Geedi, isagoo ka aqbalay istiqaalada

Waxa uu sheegay in uu ka tagay jagada Ra’isulwasaarenimo isagoo u daneynaya dalka, danta, shacabka Somaliyeed iyo jiritaanka dowladda KMG ah.

Waxa uu difaacay intii ay jirtey xukuumaddiisa in ay qabatay wixii ay awooday, inkastoo uu sheegay xukuumadda in wax badan ay u harsanaayeen.

Geedi ayaa waxa uu sheegay in uu bilaabay in uu maro wado aanu horey u aqiin Somalia iyo guud ahaan qaaradda Africa.

Waxa uu yiri ” Waxaan ka fogaanayay is jiid jiidka iyo muranka, waxaana sidaasi darteed aan go’aansaday in xilka aan isaga tago”

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Somalia C/laahi Yuusuf Axmed oo isna ka hadlay fadhigii Baarlamanka ayaa waxa uu sheegay in uu ka aqblay Is casilaadda Ra’isulwasaare Geedi isla markaana uu soo dhaweynayo.

Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa waxa uu soo hadal qaaday mustaqbalka dadkii la shaqeynayay RW Geedi oo ay ku jiraan ciidamo iyo dad kale oo uu dhamaantood uu sheegay in ay ka mid yihiin shaqaalaha dowladda isla markaana ay ku xuquuq yihiin shaqaalaha kale ee dowladda.

Geedi ayaa waxa uu sheegay in aanu ka tagi doonin fadhiga Baarlamanka isla markaana uu sii wadi doono halgamadiisa siyaasadeed.

Geedi ayaa ka hor inta uusan ku dhaqaaqin is casilaada waxa uu kulamo la qaatay mudanayaasha ku fikirka ahaa isaga, waxaana uu ku war galiyaya in uu is casilayo.

RW Geedi ayaa xilkaan ra’isulwasaare nimo waxa uu hayay muddo 3 sano ah oo ay jirtey xukuumadda KMG ah ee Somalia, inkastoo marar madan xukuumadda ay ka badbaaday in codka kalsoonida uu kala laanto Baarlamanka.

Xukuumadda Geedi ayaa intii ay jirtey waxa ay soo martay ama ay soo gashay dagaalo xoogan iyo khilaafyo siyaasadeed, iyadoo muddo 4 jeer ah uu ka badbaaday Ra’isulwasaaraha in lagu dilo shirqool ka dib qaraxyo lala beegsaday oo mid ka mid ah uu ahaa Ismiidaamin.

Dhinaca kale Xildhibaan Geedi ayaa safarka galabta uu ku aaday magaalada Nairobi waxaa ku wehliya duqii hore ee magaalada Muqdisho Cadde Xasan Gaaboow, iyadoo si rasmi ah aan loo ogeyn sababta keentay safarkaan deg dega oo Geedi uu ugu duulay magaalada Nairobi, inkastoo uu maanta uu u sheegay Baarlamanka in uu la shaqeyn doono cid kasta oo loo magacaabo jagadiisa.

by shabeelenews

Advertisements