Boosaaso: Mudo laga joogo laba todobaad ayaa waxaa magaalada Boosaaso ka dhacay falal isdaba joog ah, ay ciidamada Puntland ku qaadeen dhalinyaro ganacsata ee kasoo jeeda Sanaag iyo Galbeedka Bari, kuwaasoo 4 kamid ah markii hore kontoroolka magaalada lagu qabtey iyagoo watey hub ay ka ganacsanaayeen, kadibna lagu eedeeyey inay yihiin argagixiso.

Todobaad kadib ayaa waxaa dhalinyaro ay isku heyb yihiin lagu weeraray xaafada Rag iyo Raaxo ee Boosaaso, halkaasna lagu eedeeyey sidoo kale in ay wax ku leeyihiin kuwii hore loogu eedeeyey argagixisonimada.

Todobaadkii hada lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka yimid wafdi Dowlada Federaalka wasiiro iyo xildhibaano oo loo xilsaarey in ay arintan xaliyaan kuwaasoo la shirey maamulka Puntland iyo odayaal dhaqameed kasoo jeeda gobolka Sanaag, odayaal dhaqameedka ayaa waxay codsadeen in shuruud la’aan la siidaayo dhalinyarada marka hore siduu sheegay wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Puntland (Halkaan ka dhagayso). Waxaa kaloo arintan aad isugu taxluujiyey si uu dhib uga daba dhicin isimada beelaha Harti ee gobolka Bari.

Maanta ayaa arintii waxay u dhacdey si wanaagsan, tirade dhalinyarada marka la isku daro kuwii hore iyo kuwii dambe ayaa waxay ahaayeen 11 halkaas oo maanta lagu sii daayey, hubkii ay wateena iyo gaarigiina loo celiyey.

Falka weerarka Raf iyo Raaxo ayaa waxaa ku wax yeeloobay 2 dhalinyara ah oo ku dhimatey iyo dhowr ku dhaawacantey, sidoo kale gurigii ay ku jireen oo isna madaafiic lagu dhiftey ayaa maamulku ogalaaday, balan qaadeyna in ay khasaarihii ay bixin doonaan.

 

Dhahar Online

Advertisements