seyoum
Wasiirka arrimaha dibeda Ethiopia Seyoum Mesfin

Wasiirka arrimada dibeda ee dalka Ethiopia Seyoum Mesfin ayaa maanta soo gaaray magaalada Baydhabo halkaasi oo kulan uu kula yeeshay madaxweyne Cabdullaahi Yusuf , wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dawladda KMG ah.

Safarka Seyoum Mesfin ayaa waxa uu ku soo beegmay laba maalmood kadib markii uu is casilay ra’iisul wasaarihii dawaladda KMG ah Cali Maxamed Geedi, kadib khilaaf mudo dheer socday oo u dhaxeeyay isaga iyo madaxweynaha

Magaalada Baydhabo oo haatan ay ku sugan yihiin inta badan mas’uuliyiinta dawladda ayaa waxa ka socda wada tashiyo xasaasi ah oo ku saabsan soo magacaabida ra’iisul wasaare cusub.

Sida uu qabo dastuurka KMG ah ee u degsan dawladda waa in muddo sodon maalmood gudaheed lagu soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub.

BBCSOMALI

Advertisements