https://i0.wp.com/www.somalia.cc/files/pictures/10/7/20060711143806_5_rs.JPG

Guddoomiyaha Guddiga Fuilinta ee Isbahaysiga Dib-u-xorreynta iyo dib-u-soo-nooleynta Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed Maxamuud, ayaa faafaahin dheeraad ah ka bixiyey Aragtidda Isbahaysiga ee ku aadan Isbedelka dhinaca Siyaasadda ee dalka Somalia.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu maanta siiyey Idaacadda Somaliweyn, isagoo ku sugan Caasimadda dalka Eriteria ee Asmara, wuxuuna sheegay inuu isbedel ku yimid qorshaha gumeysiga haysta dalka Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Gumeysigu, marka uu qolo ku gaaro danihiisa, waxa uu ku beddelaa qolo kale oo taabacsan, iyadoo dadka isku haya dalka Somalia yihiin yihiin kuwo Gumeysiga u adeega, oo aanan ku imaaminin rabitaanka dadka Somalia” ayuu yiri Sheekh Shariff Sheekh Axmed, oo xusay inay xubnaha haatan ka tirsan Dowladda yihiin kuwo uu Gumeysiga caleemo-saartay.

Mar wax laga weydiiyey Qaddiyadda guud ee dhismaha DFKMGS, waxa uu ku tuuntuunsaday in lagu soo dhisay Shirkii ka dhacay dalka Kenya, oo uu xusay inay xubnihii ka qeyb galay ay casuumaad ka heleen Dowladda Kenya oo talo la wadaagaysay Dowladda Ethiopia, oo uu sheegay inay muddo dheer ka fekeraysay sidii ay dalka Somalia u qabsan kahay.

Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo, waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay Dowladda Ethiopia ku guuleystay hankii ay muddada dheer qorsheynaysay, isagoo xusay inay 30-kii sannadood ee ugu dambeeyey ku fekereyeen sidii ay Somalia u qabsan lahaayeen, isla markaana ay 17-kii sanno ee la so odhaafay Hoggaamiyayaasha Kooxaha hub isugu dhiibi jirtey si ay Soomaalida isugu baaba’aan.

Sheekh Shariif, waxa uu ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed inay u midoobaan Mukhaawamadda lagala soo horjeedo Gumeysiga Ethiopia, waa sida uu hadalka u yiri, isagoo xusay in lo obaahan yahay in si khasab ah la isaga saaro Gumeysigaasi.

Wareysiga uu Guddoomiyaha Guddiga Fuilinta ee Isbahaysiga Dib-u-xorreynta iyo dib-u-soo-nooleynta Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed Maxamuud siiyey Idaacadda Somaliweyn, waxaa kaloo wax laga weydiiyey Tallaabaddii uu Ra’isul-wasaarihii hore ee DFKMGS, Prof. Cali Maxamed Geeddi isku casilay, waxa uu sheegay inay Dowladda Maraykanka juhdi xooggan gelisay sidii uu Prof. Geeddi isku casili lahaa, isla markaana ay xog-ogaal u yihiin arrintaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.

Shariif Shariif, waxa uu tilmaamay inay Dowladaha Maraykanka iyo Ethiopia ujeedo weyn ka leeyihiin inay Mas’uuliyad maqaar-saar ah u dhiibaan dadka Aqoonyahannadda, waa sida uu hadalka u yiri, isagoo sheegay qof kasta oo Xilka Ra’isul-wasaaraha Dowlad-ku-sheegga loo dhiibo noqon doono mid lagu adeegto, oo aan Danaha Ummadda Soomaaliyeed ka shaqeyn doonin, waa sida uu carrabka ku dhuftay Mas’uulkaasi.

Guddoomiyaha Guddiga Fuilinta ee Isbahaysiga Dib-u-xorreynta iyo dib-u-soo-nooleynta Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed Maxamuud, waxaa kaloo wax laga weydiiyey haddii ay Dowladda Federalka la galayaan Heshiis Awood-qeybsi ah, iyadoo lagu dabaqayo Heshiiskii hordhaca ee ay Dowladda Federalka iyo Golihii Maxkamadaha Islaamka Somalia bartamihii sannadkii hore ku kala saxiixdeen Caasimadda dalka Sudan ee Khartoum, waxa uu sheegay in Qaddiyadaasi laga hadli karo marka dalka Somalia laga xorreeyo gumeysiga duullaanka ku haysta, wuxuuna sheegay inay arrintaasi laga hadli karo marka ay Ciiddamadda Gumeysiga ka baxaan dalka Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Sheekh Shariif, waxa uu dhaliilay Ciiddamadda dalka Ugandha ee hawlaha Nabad-ilaalinta u joogta magaalladda Muqdishu, wuxuuna ugu baaqay Madaxweynaha dalka Ugandha, Yuweeeri Museveni inuu Ciiddamadiisa kala baxo gudaha dalka Somalia, isagoo sheegay inay Dowladda Maraykanka culayska ku saartay Dowladda Ugandha sidii ay Ciiddamadooda gabbaad u siin lahaayeen Ciiddamadda Ethiopianka ee xoogga ku qabsaday dalka Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Isbahaysiga Dib-u-xorreynta iyo dib-u-soo-nooleynta Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa ugu dambeyntii wax laga weydiiyey xilliga ay Hoggaamiyayaasha Isbahaysigaasi imaan doonaan magaalladda Muqdishu, waxa uu sheegay inay xubnaha Isbahaysiga maalin kasta gaaraan magalladda Muqdishu, si ay wax uga wadaan Halganka Mukhaawamadda, wuxuuna Rabbi ka baryey Nasri degdeg ah.
SMC

Advertisements