Muqdisho
 

40 hey’adood oo samafala oo ka shaqeeya Somaaliya ayaa war saxaafadeed ay ka soo saareen magaalda Nairobi ee dalka Kenya waxa ay ku sheegeen in gobalada koofurta somaaliya ay ka jirto musiibo bini aadamnimo oo baaxad weyn.

Ha’adaha samafalku waxa ay sheegayaan in maalmihii lasoo dhaafay ay ka qaxeen magaalda Mugadishu tobanaan kun oo qof ka dib markii ay ka soo cusboonaadeen magaalda Mugadishu dagaalo qaraar oo u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG oo dhinaca iyo kooxaha wax iska caabinta ee ka soo horjeeda dowladda.

Warkan ay soo saareen hayadaha gar gaarka caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ee ka howl gala somaaliya ayaa waxaa ay ka codsanayaan beesha caalamka iyo dhinacyada isku haya somaaliyaba in ay gacan ka geystaan sidii gar gaar loo gaarsiin lahaa tobanaan kun oo qof oo ka qaxay guryahoodii oo daadsan banaanka magaalada Muqdisho, iyo qaar ka mida gobalada koofurta Somalia gaar ahaan gobalada shabeelooyinka iyo gobalada dhexe.

Dhinaca Amaanka

Hay’adaha samafalka ee ka howlgala Somalia ayaa sheegay in ay adagtahay haatan in kaalmo lagaarsiiyo dadka dhibaateysan ee u baahan gargaarka ayagoo arintaasi sabab uga dhigay jidadka oo ay yaalaan isbaarooyin,iyo waxyaabaha qaraxa sida miinooyinka oo laga baqayo in ay waxyeelo u geystaan shaqaalha gargaarka . Arintaasi oo caqabad weyn ku ah howlaha gargaarka.

Hay’adaha gargaarka caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ah ee ka shaqeeya Somaliya ayaa ugu baaqay beesha caalamka iyo dhinacyada isku haya Somaliyaba in labad baadiyo dadka gar gaarka u baahan ee dhibaatada baaxadda weyni ay haysato isla markaasina ladhowro nabad galyada shaqaalaha samafalka.

Somali
Abaaro ba’an ayaa saameeyay gobolada Somali qaarkood

Waa markii ugu horeysey oo si wadajira dhamaan hay’adaha gargaarku ay soo saaraan digniin cayn kaan oo kale ah muddo dhowr sano, arrintaasi oo dadka indha idheeya xaaladda soomaliya ay u arkaan in Somaaliya ay gashay xaalad cusub oo ka sii dareysa oo keeni karta in ay ku sii fiddo gobalka geeska afrika haddii aan si deg deg ah wax looga qaban.

Xuduuda Kenya

Horaantii sanadkaan ayaa boqolaal kun oo ka soo qaxay koofurta somaaliya gaar ahaan magaalda Muqdisho ayaa waxaa ay weli ku xayiranyihiin xuduudda Somali iyo Kenya, ka dib markii Dowladda Kenya ay u diidey dadkaasi in ay soo galaan dhulkeeda sababo laxiriira amaankeeda. Dadkaan ku xaniban xuduudda kena ayaa soo qaxay ka dib markii ciidamada itoobiya iyo kuwa dowladdaKMg ay qabsadeen magaalda mugadishu.

Dowladda Kenya ayaa hey’adaha u dooda xuquuqul insaanka waxa ay u soo jeediyeen eedeymo ka dhan ah Xuquuqda qaxootiga, hase yeeshee dowladda Kenya ayaa ku doodday in ay u qaadday talaabada xayiraadda qaxootiga somaalida sababo amaankeeda laxiriira oo ay ka baqayeen in kooxo argagixiso ah ay ku soo dhex dhuuntaan qaxootiga.arintaasi oo haatan ka mid noqotay ololaha doorashada kenya.

 


Advertisements