Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Sool ayaa waxaa ka socda Mudaharaadyo iska soo horjeeda oo la Xiriira Qabsashada Magaalada Laascaanood iyo Sidii looga Xorayn lahaa Maamulka S/land ee Gar darada ku Jooga Magaalada Laascaanood.
Dadkan Mudaharaadaya ayaa waxay ukala qaybsan yihiin labo garab oo kala Taageersan Isimada gobolada SSC oo qaba Fikiro kala Duwan oo ku aadan sidii loo xorayn lahaa Laascaanood iyadoo isimada Qaarkood qabaan in Waan waan iyo wada hadal lala Galo Maamulka S/land halka kuwa kalena ay qabaan in Xoog lagu Xoreeyo dagaalna looga saaro Maamulka Somaliland Gobolka Sool.

Hadaba dadkan ayaa waxay kala taageersan yihiin labada dhinac ee Isimada Balse kuligood waxay wada aaminsan yihiin in ay muqadas Tahay in laga Xoreeyo Gumaysiga Cusub ee uu galay Gobolka Sool imika waxaana Xoog badnaa labada garab ee Mudaharaadaya ku Taabacsan Fikirka ah in Xoog lagaga saaro Dagaalna lalala galo Maamulka S/land iyagoo ay kooxo kooxo awal ku fikir ahaa dhinaca kale oo markii dambe lasoo saftay Kooxdan Taageersan Hadafka ah in Dagaal Daran lala galo S/land.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa haatan ku sugan Garaadka guud Beelaha ssc Garaad Jaamac Garaad Cali oo isagu isugu yeeray Isimada Goboladas oo idil waxaana hadafkiisu yahay Garaadka in Beeshu ku midowdo Xalinta Gobolka sool Hadaf midaysana ayka qaataan Arintan Gobolka Sool oo isagoo sheegay in loo Baahan yahay in Beeshu isku Raacdo Mowqif Midaysan oo lagu soo Noolaynayo Sharaftii iyo karaamadii Gobolka Sool oo haatan gacanta u galay Gumaysi Cusub.
Dhanka kale waxaa weli socda Mudaharaadyadii Ka socday Magaalada Laascaanood oo Maalinba Maalinta ka Dambaysa isa soo Taraya Dadkuna ay soo Badanayaan.
Maanta oo jimce ah ayaa waxaa kasoda Magaalada Laascaanood Mudaharaad Xoog badan oo ay isugu soo baxeen Laamiga iyo Wadooyinka waawayn ee magaalada Laascaanood dhamaanba shacabkii Magaalada laascaanood in tii ku hartay Magaaladaasi.

Marka aad aragto Magaalada Laascaanood ayaad waxaad soo Xasuusanaysaa Sidii ay ahaan jireen Magaalooyinka dalka Ciraaq Sanadkii 2003 Xiligaas oo ay Xulafada uu horkacayo Maraykanku dagaal ku qaadeen Dalka Ciraaq waxaana la arkayaa Qiif iyo dhagxaan Buux dhaafiyay Gudaha Magaalada Laascaanood.

Si kastooy ahaataba Deegaanada Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa ka socda Xiisado kacsan oo lagu soo dedejinayo Kasaarida Maamulka S/land Ee Gobolka Sool iyadoo dhamaanba deegaanda Maamul Goboleedka Puntland ay kasoo gabo gaboobeen Shirarkii kasocday ee laga arinsanayay arimaha Gobolka Sool waxaana Magaalooyinka waawayn ee deegaanada puntland Buux dhaafiyay Ciidamo Aad u Tiro badan waxaana Geerashyada Maagaalooyinka Buuxiyay Baabur la jarayo kuwaasi oo lagu Rakibayo Qiryaha Tiknikada ah oo kala Duwan.

by allsanaag.com

Advertisements