Subaxnimadii Khamiista ayaa war murtiyeed arimo badan taabanaya waxa laga soo saaray xafiiska madaxweynaha MSS ee magaalada Badhan , kaasoo oo uu ku saxiixnaa madaxweynaha MSS Col Jibriil Cali Salaad, nuqullo ka mid ahna waxa loo qaybiyey saxaafadda gobolka , arimahaas war murtiyeedka lagaga hadlay waxa ka mid ahaa :

  1. Shacabka iyo maamulka reer Maakhir waxay hanbalyo iyo bogaadin u dirayaan Madaxda sare ee DFKMG sida ay u so oaf-jareen khilaafkii dhex yiilley, go’aanka uu qaatay Prof. Cali Maxamed Geedina waa mid geesinimo ah, waxanna u rajeyneynaa dawladda Federaalka guul iyo horumar .

  2. Shacabka iyo Maamulka reer Maakhir wuxu mahad ballaadhan u jeedinayaa dhammaan odayaasha iyo hawl wadeenada isu xil qaamay sii daynta dhallinyaradii dhowaan lagu xidhay magaalada Boosaaso, waana go’aan aan shacab ahaan iyo maamul ahaanba soo dhoweyneyno shuruud la’aanta lagu sii daayey , Nabad gelyada iyo Deris wadaaguna waa mid dan u ah labada shacab ee walaalaha ah.
  3. Maamulka iyo shacabka reer Maakhir waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan dadkii ku dhintay mashaqada ka taagan gobolka Sool, waxanuna aad uga xunnahay dadka maatada ah ee la baro kicinayo. Waxanuna ugu baaqaynaa labada dhinac ee halkaas ku hirdamaya iney dadka rayadka ah dhibta ka daayaan . Sidaa owgeedna aamulku wuxuu si toos ah ugu baaqayaa in ay Soomaaliland weerarka ay ku soo qaaday Laascaano kaga baxdo.

  4. Maamul Goboleedka Maakhir wuxu ugu baaqayaa dhammaan bulshada reer Maakhir iney ka hor tagaan Xaalufinta degaanka ee kala ah : goynta geedaha , gubidda dhuxusha iyo jiriifka badda . Dadka faraha kula jira fal danbiyeedyadaasna waxa maamulku ugu baaqayaa iney faraha kala baxaan , haddii ay ka waantoobi waayaanna waxa maamulku ka qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan.

  5. Maamulka iyo shacabka reer Maakhir waxay hanbalyo iyo bogaadin u jeedinayaan ciidanka ilaalinta degaanka ee gobolka Booxaaro , oo tallaabo wax ku ool ah ka qabtay arimahaas, degmooyinka kalena waxan ugu baaqaynaa iney ku daydaan.

  6. Ugu danbayn waxa maamulka goboleedka Maakhir uu si laab furan ah usoo dhoweynayaa go’aamadii ay soo saareen guddidii isu xilqaantay xallinta dhacdadii ka dhacday dooxada RAD 18 Oktoobar ee 2007, waxana maamulku diyaar u yahay inuu kala shaqeeyo gudidaas fulinta go’aamadooda.

War murtiyeedkan ayaa ka danbeeyey kadib markii Madaxweynaha iyo xubno ka tirsan barlamaanka iyo masuuliyiin kale ay kormeer kusoo mareen degaanada Maamul goboleedka Maakhir intiisa badan.

LaasqorayNet + Dhahar.com

Advertisements