Boosaaso: Waxaa maanta noo suura galay inaan idiin soo gudbino shirkii casha sharaftii lagu soo afjarey ismaandhaafkii xaafada Rax iyo Raaxo, shirkaasoo dhacay laba maalmood ka hor, waxaa shirka ka soo qeyb galay wasiira iyo xildhibaano ka socda dowlada federaalka, xildhibaano iyo wasiiro kasocda dowlada Puntland iyo isimada beelaha Harti...
 

QEYBTA KOOWAAD HALKAAN RIIX: Nabdoonka gobolka Nuugaal oo ka hadlay in xeer la sameeyo dhaqameed oo lagula shaqeeyo Puntland, Sidoo kale wuxuu sheegay in GOBOLKA SANAAG la hagraday shacab iyo dowladba. Wuxuu ka Hadley arimaha gobolka Sool iyo sidii loo difaaci lahaa.

 

QEYBTA LABAAD RIIX: Caaqil Maxamed Maxamuud Qaadi oo ku hadlay magaca Sanaag kana hadlay arimaha gobolka Sool in loo guntado iyo Caaqil Qixiye Ciise Maxamuud, Sidoo kale Caaqi Cismaan Xaaji oo isna wacyi galin badan soo jeediyey kuna nuux nuuxsadey amniga…

 

QEYBTA SEDEXAAD RIIX: Nabadoon Cali oo ka hadlay gobolka Sanaag iyo amnigiisa sheegayna in ay diyaar u yihiin inay ka qeybqaataan dhanka Sool, dadkana ku wacyi galiyey difaaca dalka.

 

QEYBTA SEDEXAAD: Xildhibaan Seynab Ugaas Yaasiin oo u hadashay qeybta haweenka ayaa iyadana sheegtey in dhibka halmeel looga soo wada jeesto, sidoo kale waxaa ka hadlay Xildhibaan Yuusuf Bootaan oo kusoo gabagabeeyey wixii harey in bari la soo dhameystiraayo.

 

Waxaan ka cudur daaranaynaa cilad farsamo owgeed in aan soo gudbin weyney codadkii wasiiradii ka socday DFKG iyo wasiirka Cali Aweere iyo Cali Buureed hadaladii ay kasoo jeediyeen goobta.

 
 

 

 
 

 

 

 

 

 

Dhahar Online

Advertisements