Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in maanta ila 3 qof oo rayid ah oo shalay ay nolol ku qabteen ciidamada Ethiopia maydkooda laga helay meel u dhow garoonka Istaadiyo Muqdisho.

Halkan ka dhagayso

Sadexda qof, oo mid ka mid ah uu ahaa nin oday ah oo waardiye ka ahaa guriga milkiilaha idaacadda HornAfrik oo ku yaalla meel ka soo horjeedda idaacadda, ayaa la sheegayaa in la gowracay, jirkoodana uu ka muuqday noocyo kale oo jirdil ah.

Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka ee beesha Hawiye, Maxamed Xassan Xaad, ayaa BBC u sheegay oo kale in ciidamada Ethiopia ay gacanta ugu jiraan ilaa 19 qof oo rayid ah oo shalay ay jidadka ka uruuriyeen, kuwaas oo ay ilaa hadda diidan yihiin in ay soo daayaan.

Wuxuu sheegay in shuruud ay xireen ciidamada Ethiopia oo ahayd in maydka ciidankooda hadii loo keeni ay sii daynayaan dadka ay haystaan ay ka soo bixi waayeen.

Ciidamada Ethiopia, oo sii xoojinaya joogitaankooda Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, ayaa ilaa lix tank iyo ilaa lixdan baabuurta ciidamada lagu daabulo oo buuxbuuxa oo hor leh ay soo galeen.

Waxaana Maxamed Xassan Xaad uu ka digay in weeraro hor leh ay qaadi doonaan, iyadoo dadwayne badan oo rayid ah ay ka qaxayaan goobihii ay deganaayeen ee magaalada.

Dagaal culus oo horaantii todobaadka ka dhacay Muqdisho, ayaa dhaliyay in Qaramada Midoobay ay xaaladda Muqdisho ku tilmaanto masiibo bini’aadaminimo.

 

bbcsomali.com

Advertisements