Xukuumada Puntland ayaa qarka u saaran inay waydo kalsoonida Barlamanka Kadib markii mooshin barlamanku isku raaceen lagu ansixiyay in xukuumada Puntland ee hada jirtaa aysan sii dhisnaan doonin hadii aysan mudo 30 Cisho gudeheed ah ku soo celin Dhulka Puntland ee cadawgu haysto.

Barlamanka oo fadhigoodii shalay ku falan qeeyay inay lama huraan tahay in xukuumada hada jirtaa meesha banayso hadii aysan soo celin dhulka cadawgu haysto ayaa hadana wada olole lagu waydiinayo su’aalo adag Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka iyadoo maanta la filayo inay ka jawaabaan su’aalaha Barlamanka ka imaanaya.

Mudanayaasha Barlamanka ayaa ku baaqay in xukuumada ay ka gaabisay difaaca dalka sidaasi darteedna aysan xaq ulahayn inay sidan wax ku wado loona baahan yahay inay mudo 30 bari gudohood ah ku soo celiso dhulkii ka maqnaa Umada Puntland ee cadawgu qabsaday iyadoo lagu eedeeyay in xukuumada cadde muuse ay masuuliyada qabsashada laascaanood lahayd.

Cadde Muuse ayaa isagu qirtay in xukuumadiisu ay khaladaad badan gashay isagoo dusha u ritay in xukuumadiisu ay ku ceebaysan tahay qabsashada magaalada laascaanood loona baahan yahay inay iska mayrto fadeexada ka raacday, Cadde Muuse wuxuu wacad ku maray inuu soo celin doono Laascaanood si kasta oo ay ahaataba isagoo aan waayadan ku nasan Guriga madaxtooyada.

almudug.com

Advertisements