TopStoryMadaxweynaha DGPL ayaa waxa uu Tuulada Gambare kula kulmay dadka degaanka ah iyo dadkii ka soo qaxay magaalada Laascaanood,

Madaxweynaha ayaa markii hore la kulmay Dadka degan Tuulada Tukaraq isagoo uga sii gudbay Higlada oo ay degan yihiin dad qaxooti ah oo ka soo qaxay Magaalada Laascaanood,wuxuuna halkaasi ku waraystay dadka halkaasi degan xaaladooda ay hadda ku sugan yihiin wuxuuna u balan qaaday in ay sida ugu dhakhsaha badan magaaladoodii ugu noqon doonaa haddii alla idmoMadaxweynaha ayaa markii uu halkaasi tegay si diiran loogu soo dhoweeyey,ka dibna uga sii gudbay Gambare.

Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu kormeer ku soo maray Ciidamada Daraawiishta ee degan aaga Gambare iyo Tuka raq,wuxuuna xog waraystay ciidamada iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay dalkooda ka saaraan cadowga soo galay.

Intaasi ka dib ayaa waxa halkaasi warbixino ku siiyey Taliyayaasha Ciidamada daraawiishta waxayna sheegeen in ay habeen iyo maalin u taagnaan doonaan difaaca dalkooda,cadowgana ay sida ugu dhakhsaha badan ay uga xorayn doonaa dhulkooda.

Madaxweynaha ayaa waxa uu kormeerkiisii soo dhamaystay dibna ugu soo noqday magaalada Garowe Saacadu markii ay ahayd 7:00 habeenimo.
Ma ahan markii ugu horraysay ee Madaxweynuhu gaaro labada Tuulo ee Tukaraq iyo Gambare.

Puntlandgovt.com – HorseedNet.com

Advertisements