Halqof ayaa ku dhintay inta la’ogyahay tiro kale oo dad ah na dhaawacyo culculus ayaa ka soo gaadhay kadib hawl galo iyo roondooyin ay kasameeyeen gudaha magaalada laascaanood ciidamada maamulka isku magacaabay somaliland…Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo kol dhow ay gacanta ku dhigeen ciidamada maamulka isku magacaabay Somaliland  kadib dagaal culus oo ay halkaasi kuwada galeen labada maamul ayaa haatan laga soo sheegayaa inay ka jiraan rabshado shalay ka bilowday dibadbaxyo rabshado wada oo dad lagu dilay kuwo kalena lagu dhaawacay.

warku wuxuu sheegayaa in dadka reer laascaanood ay wadooyinka qaar xidheen iyagoo ku gooyay dhagxaan iyo biro waaweyn, waxaana la sheegayaa inay ka cabanayaan dadkii shalay ciidamada maamulka isku magacaabay  Somaliland ay dileen iyo dad kale oo laga qabqabtay shalay kuwaasoo Xabsiga loo dhaadhiciyey.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ayaa waxa ay sheegayaan in xalay dadka degan magaaladaasi ay bilaabeen in ay xidhaan waddooyinka laamiga ah oo haatan weli xidhan, mana jirto ciidamo u tegay oo isku dayay inay jidgooyada ay dhigeen dadka degan magaalada ka qaadaan.

Sida warku sheegayo shalay ayay ciidamada maamulka iskiis iskugu magacaabay  Somaliland ka qaadeen waddooyinka magaalada dhagxaan iyo biro gaadiid burbursan, waxaana ciidamadaasi markii ay dhagxaanta iyo birahaasi qaadeen isla xalay fiidkii kooxo cadheysani ay mar kale soo dhigeen dhagxaantii iyo birihii, haatana la soo sheegayo in waddooyinka qaar ay xidhan yihiin ciidamaduna aysan wax tallaabo ah qaadin, wallow xaaladdu tahay mid welweli iyo cabsi leh.
Wixii soo kordhana waxaan idin kugu soo gudbin doonaa warar keena danbe

Advertisements