Mogadishu
 

Ugu yaraan 50 ruux ayaa ku dhintay Muqdisho 24 saacadood ee na dhaafay, ka dib markii ay dagaal isaga hor yimaadeen ciidammada Ethiopia iyo Soomaalida la dagaallamaya.

Dad badan oo rayid ah ayaa dhintay ka dib markii ay madaafiic ku soo dhacday.

Qax fara badan ayaa magaaalada ka socda, gaar ahaan xaafadaha ugu daran ee dagaalku ka dhacay oo oo ay ka mid yihiin agagaarka baar Ubax, Black Sea iyo Xamar-Jadiid.

Ciidammada Ethiopia ayaa u muuqda, in ay jawaab ka bixinayaan askar laga dilay ka dibna meydkooda lagu jiiday dariiqyada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda ma jirto dowladda KMG-ka ah ee Soomaaliya cid ka hadashay dagaalkan.

Ethiopia sidaa oo kale wey ka gaabsatay iyaduna.

Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon, ayaa ku tilmaamay in ay aanay caqli gal ahayn in ciidammo Qaramada Midoobay ka socda loo diro Soomaaliya, xaaladda ammaanka oo ka sii dareysa awgee

bbcsomali.com

Advertisements