TopStoryXog hayaha guud ee QM Bank Moon ayaa waxaa uu sheegay in ciidamo ka socda QM oo loo diro dalka Somalia ay tahay mid aan caqli gal ahayn iyada oo ay —
ka sii darayso xaalada amaanka ee dalka Somaliya waxana uu taas bedel keed uu soo jeediyay in la diro ciidamo isku dhaf ah oo ku imanaya dawlad kasta iraadadeeda

DFKMS ayaa bishii Augost ku boorisay QM in ay Somaliya u soo dirto ciidamo nabad ilaalineed waxana uu golaha amaanka uu ka codsaday Ban ki- Moon inuu isku soo dubarado qorshihii ciidamo loogu diri lahaa Somaliya

Xoghaya guud ee QM ayaa shalay warbaxin u shalay u gud biyay golaha amaanka waxaa uu ku sheegay in xaaladaha siyaasadeed iyo amaan ee ka jirta dalka Somaliya awgeed uu aamin san yahay in Somaliya oo loo diro ciidamo nabad ilaalineed oo ka scoda QM ay tahay mid aan caqli gal ahayn waxana uu sheegay in QM ay u suuroobi wayday in ay koox qiimayn farsameed ay dirto dalka Somaliya

Waxa uu Ban dhanka kale ku booriyay dalalka midowga Afrika ee ku yaboohay in Somaliya u soo diraan ciidamo nabad ilaalineed in ay sida ugu dhaqsaha badan ay u diraann ciidamadii ay ku balan qaadeen,.waxana uu intaa ku daray in QM ay kala shaqayn doonto ururka midowga afrika taageerida ciidamadas

Horraantii sanadkan ayaa ururka midowga afrika waxa uu ku balan qaaday inuu Somaliya u diri doono ciidamo nabad ilaalined oo tiradoodu gaarayso ilaa 8000 askari kuwaas oo bedela ciidamada Ethiopia ee taageeraya DFKMS balse ilaa iminka waxaa tegay dalka Somaliya 1600 oo askari oo ka socda dalka Uganda

horseednet

Advertisements