Sabti, November 10, 2007(HOL): Iyadoo dagaallo ka dhacay Magaalada Muqdisho labadii maalmood ee aynu ka soo gudubnay ay dad badan oo boqol ruux ku dhow ay ku dhinteen ayaa hadana waxaa la helayaa meydadka dad ku dhintay meelo luuqyo ah oo la geli waayay.

 

Xaafadda Shiirkole ee Magaalada Muqdisho ayaa saakay laga helay meydad tiradooda gaareyso 10 ruux, kuwaasi oo qaarkood maalin hor dhintay, halka kuwo kalena uu dhiigga ka baxay cusbaa, iyadoo taasina ay muujineyso in dhawaan la dilay.

 

Waxaa jira Dad kale oo saaka ku geeriyooday Xaafadda Black Sea kadib markii ay shiisheen Ciidamada Itoobiya xili ay Dadkaasi doonayeen in ay soo qaadaan Dad Ehelladooda ah oo ku jira guryo deegaankaas ku yaala oo ay ku dhaawacmeen.

 

Isbitaallada Magaalada Muqdisho ee kala ah Dayniile, Madiina iyo Keysaney ayaa waxaa la dhigay dhaawacyo aad u tiro oo ka badan Sariiraha Isbitaallada yaala, kuwaasi oo qaarkood ay qabaan dhaawacyo culus oo aaney suurtagal ahayn in wax looga qabto Isbitaallaas sabab la xiriirta dhinacyada Qalabka iyO Dawada.

 

Xaafado dhowr ah oo jihooyinka Galbeed iyo Waqooyi kaga toosan Waddooyinka 30-ka iyo Warshadaha ayaa waxay noqdeen kuwo haawanaya kadib markii ay isaga carareen Dadkii ku noolaa oo u adkeysan waayay duqeyn ay Ciidamada Itoobiya ka geysteen Xaafadahaas.

 

Wadada Warshadaha, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Towfiiq iyo Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga ayaa saaka waxaa isku fidiyay Ciidamo Itoobiyaan ah oo Taangiyo wata, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn halka ay ku wajahan yihiin.

 

Dhanka kalena, Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Xaafadda Black Sea ayaa saaka waxay dhinaca Wasaaradda Gaashaandhigga u kaxeysteen Dad tiradooda ay boqol ruux ka badneyd, kuwaasi oo aan la ogeyn sida uu xaalkooda noqon doono, walow ay jiraan warar sheegaya in ay Dadkaas ku wareejiyeen Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Xeradii Guul-wadayaasha.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dadka Boqolka Ruux ku dhow ee ku geeriyooday Duqeyntii ay Ciidamada Itoobiyaanka ka geysteen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku jira Caruur, Haween iyo Dad Waayeello ah, kuwaasi oo ah biri-ma-geydo ay mamnuuc tahay in la dilo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Advertisements