new york
Human Rights Watch waxa xaruun u ah New York

Ururka u dooda, xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ee xafiiskiisu yahay magaalada New York, waxa u sheegay in beesha caalamka oo ka baaqsatay in ay joojiso, dagaalada ka socda Soomaliya in ay taasi muujinayso, sida aanay beesha caalamku dan uga la haayen qiimaha ay lee dahay, nafta qofka Afrikaanka ahi.

Dhegayso warbixinta

Ciidamada Ethiopia oo taageeraya, dawalada KMG ee Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho, kala dagaalamaya, xoogag ka soo horjeeda.

Labada dhinacba waxaa lagu eedeeyey in ay dad rayid ah, laa yeen, qaar kalena ay dhaawaceen.

dagaaladaasi waxaa ay dhaliyeen wel wel laga qabo xaalada bini aadanimo.
Qaramada Midoobey, waxaa ay sheegeen, in dad tiradoodu gaarayso, boqol-Kun oo qof ay ka ka qaxeen magaalada Muqdisho, Labadii Toddobaad ee aynu soo dhaafnay.

Rabshadaha ka jira caasimadda ee Muqdisho, ayaa si xowli ah u sare kacay todobaadkii la soo dhaafay.

Tobanaan qof oo rayid ah, ayaa lagu soo waramayaa in ay dhinteen ayna ku dhaawacmeen iska hor imaadyo dhexmaray ciidamada Ethiopia iyo kooxo deegaanka ah oo kacdoon kala soo horjeeda.

Ma aha arrin ay kala dooranayso Qaramada Midoobay, hadii aysan jirin nabad la ilaaliyo, Qaramada Midoobay waa in ay tagtaa halkaas oo ay nabad dhalisaa, hadii ay ahaan lahayd Lubnaan, ama meel kale, golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, arrintan xal ayuu ka gaari lahaa

 

Human Rights Watch, Peter Takirambudde

Kumanaan dad ah oo hor leh, ayaa ka cararayay magaalada maalmihii ugu dambeeyay, iyadoo qaar badan oo dadwaynaha ah lagu soo waramayo in ay go’doon yihiin oo aysan awoodid in ay helaan daryeel caafimaad iyo adeegyo kaleba.

Maalintii Jimcaha, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, ayaa sheegay in dagaalku uu ka dhigay Soomaaliya mid qatar leh oo aan loo diri karin ciidamada nabad ilaalineed oo ka socda Qaramada Midoobay, balse Agaasimaha Africa ee hay’adda xuquuqda aadanaha ee Humar Rights Watch, Peter Takirambudde, ayaa sheegay in hadalkaasi uusan ahayn mid aad u wanaagsan.

“Ma aha arrin ay kala dooranayso Qaramada Midoobay, hadii aysan jirin nabad la ilaaliyo, Qaramada Midoobay waa in ay tagtaa halkaas oo ay nabad dhalisaa, hadii ay ahaan lahayd Lubnaan, ama meel kale, golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, arrintan xal ayuu ka gaari lahaa, waxaan u malaynayaa waxa halkan aad ku arkayso waa, in ay jirto yasmo caalami ah oo ku aadan qiimaha nolosha African-ka.”

Waxaa jooga magaalada caasimada ah ee Muqdisho ciidamo yar oo ka socda midawga Africa. Waa wax ka yar 2,000 ciidamada Uganda, mana awoodaan inay joojiyaan dhibaatada taagan.

Sanadkan horaantiisii, golaha amaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu weydiistay xoghayaha guud inuu bilaabo qorshe ciidamo QM ka socda ku badalaan ciidamada midawga Africa, laakiin xubno ka tirsan golaha amaanka waxa ay doonayeen in marka hore ay arkaan heshiis nabadeed in la gaaro ka hor inta aan la dirin ciidan ka socda QM.

Xoghayaha guud Ban Ki-moon waxa uu hada soo jeedinayaa qorsheyaal kale oo ay ka mid tahay in la sameeyo xulafo iskood isku dira oo doonaya inay ciidan sii geeyaan.

QM waxa ay dooneysaa inay aragto wada hadal dhexmara kooxaha Soomaalida, laakiin ilaa hada ma muuqato calaamad dib u heshiisiin dhexmarta dawladda KMG ah iyo kooxaha ka soo horjeeda.


Advertisements