mogadishu

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa cakiran maanta iyada oo ciidamada Ethiopia iyo kuwa dawladda KMG ee Somalia ay xidheen wadooyinka ugu waaweyn magaalada.

Halkan ka dhegayso

Suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale xiran, iyadoo ciidamadu saaka waaberigii ay go’doomiyeen suuqaasi. Dad badan ayaa ku xayiran Suuqa gudihiisa, iyadoo aan la geli karin, lagana soo bixi karin.

Wadooyinka ay xireen ciidamada Ethiopia iyo kuwa dawladda waxaa ka mid ah Jidka Warshadaha, Jidka Sodonka, iyo bartamaha.

Ciidamada Ethiopia ayaa hawlagalada ay magaalada Muqdisho ka wadaan ku xirxiray dad badan, waxaana ka mid ah dadka ay xireen afhayeenka golaha dhaqanka beelaha Hawiye Axmed Diiriye.

Cabsi weyn ayaa magaalada ka jirta iyo rasaas iyo madaafiic goos goos ah oo ay ridayeen ciidanka Ethiopia ayaa saaka laga maqlayay magaalada.

Waxaa dhamaan istaagay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadweynaha, iyadoo dhinaca kale weli uu magaalada ka socdo qax weyn oo dadku ay isaga cararayaan guryahooda.

 

BBCSOMALI

Advertisements