onlf
Qaar ka mid ah jabhada ONLF

Jabhada ONLF ee Ethiopia ka dagaalanta ayaa ku eedeysay dowladda in ay weerar ku qadeen, tuulooyin fog oo ku yaala gobolka Soomaalida Ethiopia, ee dhanka bari ee wadanka, iyadoo dowladu ku weerartay tuulooyinkaas diyaaradaha qumaatiga u kaca.

 

Afhayeen jabahada u hadlay ayaa u sheegay BBCda in dad badan dhinteen,oo diyaradaha dowladu ay bambeeyeen guryo, isla markaana ay burburiyeen, iyagoo isticmaalaya qoryaha darandooriga u dhaca.

Bishii April ee sanadkan markii jabhadu ay weerartay koox Chinese ah oo ahaa kuwa saliida baara, halkaasi oo lagu dilay 74 qof, waxa gobolku uu ahaa meel dagaalo isaga horyimaadaan ciidanka dawladda iyo jabhada ONLF.

Jabhada ONLF oo la aasaasay 1984 waxa ay sheegaan inay u dagaalamaan dadka Somalida ah ee degan deegaanka.

Ciidanka Ethiopia waxa ay sheegteen in jimcihii ay weerareen jabhada oo ay ka dileen boqolaal dagaalyahaniintooda ah.

Somalida gobolka ee u qaxday dhinaca waqooyiga Kenya ayaa sheegay in weeraro is daba joog ah ay dawladdu ku soo qaaday deegaanadooda, halkaasi oo ay ka geysteen falal kufsi haweenka iyo ragga oo lagu dal dalo.

Hey’adaha caalamiga oo ay ku jirto ICRC waa laga ceyriyay deegaanka, wayna adagtahay in la helo warar ka madax banaan sheegashada labada dhinac ee dawladda iyo ONLF.

 



BBC

Advertisements