nairobi
Nairobi

In ku dhaw 50 qof oo Soomaali ah ayaa ku xayiran garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi ee Jomo Kenyatta muddo todobaad ah, dadkaasi oo laga soo celiyey dalka Uganda ka dib markii baasaboorada ay wateen laga waayey bixiddii garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

 

Dhegayso warbixinta

Dadkaasi oo ka soo cararay dagaalada Muqdishu ayaa xaaladda ay haatan ku suganyihiin waxaa BBC uga warbixiyay danjiraha Somalia u fadhiya Nairobi Maxamed Cali Ameriko oo sheegay in dadkaasi oo ah 49 qof ay u badan yihiin caruur iyo haween.

Safiirka waxa uu sheegay inuu dadkaasi ku booqday garoonka diyaaradaha oo ay raashin u geynayeen dhawrkii maalmood ee u danbeeyay, isagoo intaa raaciyay inay kala hadleen mas’uuliyiinta dalka Kenya iyo kuwa hey’ada qaxootiga ee UNHCR.

Dadkaasi ayaa codsaday in aan dib loogu celin dagaalada Muqdisho ee ay ka soo carareen, iyadoo weriyaha BBC ee Nairobi Yusuf Hassan oo la kulmay qaar ka mid ah dadkaasi u sheegay in xaaladoodu ay liidato, oo ay caruurtooda ay kala soo carareen dagaalada, iyagoo sheegay in shirkadii ka soo qaaday Muqdisho ay qiyaantay.

 

BBCSomali.com

Advertisements