Ceergaabo : Maalmihii la soo dhaafay ayaa la taliyaha madaxweynaha Maamul Goboleedka Maakhir ee Soomaaliyeed Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Jebiye) uu shirar kala duwan kula yeeshay waxgaradka degmada Ceergaabo ee gobolka Sanaag.

La taliyuhu wuxu sheegay in shirarkaas ujeedooyinkoodu ay ahaayeen sidii nabad gelyada la isaga kaashan lahaa , degmadana looga bad-baadin lahaa xasillooni daro ka dhacda, iyo sidii bulshada degmada loogu sharixi lahaa maamul goboleedka cusub , si loo taago maamulkii gobolka Sanaag iyo degmada Ceergaabo oo ah meesha keliya ee u hadhsan in loo magcaabo masuuliyiin kasoo jeedda maamulka Maakhir.

Sidoo kale la taliyuhu wuxu maanta u kicitimayaa magaalooyinka Carmale , Xingalool iyo Dhahar , halkaas oo uu kulamo kala duwan uu kula yeelan doono waxgaradka iyo masuuliyiinta ku sugan , xog nabadeed ballaadhan ayaana la isku waydaarsan doonaa.

La Taliyaha Madaxweynaha : Axmed M.M. ( Jebiye).

La taliyahan ayaa dhowaan loo magcaabay xilkiisa, wuxuna u muuqdaa nin muujiyey fir-fircooni iyo lasocosho xaaladaha uu marayo dalku.
Laasqoray.net / Ceergaabo.

Advertisements