Nur cadde
 

 

Madaxweynaha Somalia Cabdullaahi Yusuf Axmed ayaa u magacaabay ra’iisul wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen oo loo yaqaan Nuur Cadde, kadib markii xilkaasi uu iska casilay ra’iisul wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi.

Dhegayso taariikhda Nuur Cadde

Nuur Cadde waa nin aad looga yaqaan dalka Somalia oo uu hawlo badan ka soo qabtay, waxaana uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1938.

Nuur Cadde waxa uu ka tirsanaan jiray ciidanka booliiska Somalia oo uu ka gaaray gaashaanle sare oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay dalka.

Waxaa tababaro xagga aqoonta booliiska, gaar ahaan qaanuunka uu kusoo qaatay dalalka Mareykanka iyo Talyaaniga.

Sanadihii ugu danbeeyay laga soo bilaabo 1991 ilaa xilligan waxa uu ahaa xoghayihii guud ee ururka Bisha Cas ee Somalia.

Nuur Cadde ma ahayn nin siyaasadda Somalia si toos ah faraha ugula jiray, xiliyadan dagaalada ka socdeen Somalia iyo ka horba, inkastoo hawlo badan uu ka qabtay Bisha Cas intii dagaalada lagu guda jiray.

Waa nin fiiro badan, oo degan, dadkuna ay ku yaqaanaan xushmo badan, waa nin marka dadku hadlayaan si aad ah u dhegaysto,

bbc

Advertisements