Baydhabo:- Qarax ayaa xalay fiidkii gi gilay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ahna xarunta baarlamaanka Somaliya Qaraxaas ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Saldhiga dhexe ee Magaalada waxana arinkaas fuliyay kooxo hubasan oo aan haybtooda la garanayn ka gadaal markii ay Mab-gacmeed ku soo tuureen Saldhiga gudihiisa halkaas oo ay markaas joogeen Saraakiisha Ciidamaasi.
Ugu yaraan sida ay saxaafada ay u sheegeen Saraakiisha Saldhigaas waxa ku dhintay qaraxaas xalay dhacay Qof ween ah taas oo markaasi ka aga dhawayd goobta uu qaraxaasi ka dhacay tirada dhawaaca ah ee iyana qaraxaas wax ka soo gaadheen ayaa lagu qiyaasay ilaa 7- ruux  oo ay ka mid yihiin 4- Askari oo Booliska Saldhiga ka tirsanaa.
Maamulka Degmada ayaa shaaca ka qaaday inaanay ilaa haatan cidna u qaban qaraxaas balse ay wadaan baadhitaano xoogle kuwaas oo lagu soo afjari doono dadkii falkaas soo maleegay waxaya sheegeen Maamulku inuu qaraxaasi ahaa mid aad loo soo agaasimay oo laga soo shaqeeyay balse waan ogaan fadhigooda ragaas qaraxaas fuliyay.
Dhamaan goobtii uu qaxaraasi xalay ka dhacay ayaa waxa ha dheeyay ciidamo aad u fara badan kuwaas oo isku gadaamay halkii uu qaraxaasi ka dhacay ilaa saaka munasubaxii waxa ay dadku arkayeen Boqoolaal Askar ah kuwaas oo gaaf wareegaya meesha uu qaraxaasi gil gilay.
Isku soo xooriyoo maha markii koowaad oo qarax uu gil gilo gudaha magaalada Badhabo e waxa jirta Qarax aad u xoog badnaa ee lala beegsaday kolanyo Baabuur ah oo la socday C/laahi Yuusuf Axmed iyadoo halkaas ay ku dhinteen dad aad u fara badan kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Ilaalada Gaarka ah ee Madaxwayne Yuusuf.


Jaamac Ayaanle

LaasqorayNet- Bosaaso

Advertisements