ethiopiaMagaalada Muqdisho caawa waxa dagaal uu ka dhacay goobo ku dherersan wadada sodonka ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo fariisimo ay ku leeyihiin ciidamadda Ethiopia.

Kooxo hubaysan ayaa weeraro gaadmo ah ku qaaday fariimahan ay wadadaas ku lahaayeen ciidamada Ethiopia ee ku yaala xaafadaha Cali Kamiin ilaa laba dhagax, iyadoo weerarku socday ilaa muddo sodon daqiiqo ah.

Dhinaca kale ciidamadda Ethiopia, ayaa maanta baaritaano ka samayanayay goobo ka tirsan magaalada Muqdisho kadib weeraro isdabajoog ahaa oo xalay fiidkii lagu qaaday fariisimo ay ciidamada Ethiopia ku lahaayeen meelo kala duwan oo magaalada ah, iyadoo saqdii dhexena weerar kale uu ka dhacay magaalada.

Weerarradii xalay lagu qaaday ciidanka Ethiopia ayaa waxa ay ka kala dhaceen ilaa lix saldhig oo ciidamadda Ethiopia ay ku leeyihiin caasimada Somalia ee Muqdisho, iyadoo loo adeegsaday bambooyinka gacanta iyo noocyada kala duwan ee qoryaha culus iyo kuwa fudud.

Weerarrada ayaa ku soo beegmay xilli uu ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Meles Zenawi sheegay in ciidankiisu ay ku riiqdeen dagaalada Muqdisho, isla markaana aanu ciidankiisa awoodin in uu la baxo hadda.

Horaantii bishan ayaa dagaallo kulul oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka ciidamadda Ethiopia ay ku jiideen waddooyinka Muqdisho meydadka qaar ka mid ah ciidamadda Ethiopia.

BBCSomali.com

Advertisements