Ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia, Meles Zenawi, ayaa qirtay in dalkiisu uu ku riiqday colaadda Soomaaliya, oo aanu hadda la soo bixi karin ciidankiisa.

Halkan ka dhegayso

 

Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu sheegay in markii ay ciidankiisu kuwii Maxkamadaha Shareecada ka qabsadeen caasimadda Soomaaliya, uu filayay in ciidankiisa la soo noqon karo.

Laakiin, ayuu yiri Meles Zenawi, kala qeybsanaan dowladda Soomaaliya dhexdeeda ah awgeed, ayaa keentay in ay ku guuleysan weydo in ay ciidammada Ethiopia kala wareegto ammaanka.

Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia waxaa uu cabasho ka soo jeediyay in ciidammo caalami ah oo nabadda ilaaliya aanay imaan Muqdisho si ay dowladda Soomaaliya u xoojiyaan isla markaana ay culeyska uga dul qaadaan ciidammada Ethiopia.

Markii ay ciidammada Ethiopia ay qabsadeen Muqdisho sannadkii hore dhammaadkiisii, waxaa uu Zenawi ballan qaaday in ay toddobaadyo gudahood ugu laaban doonaan dalkooda.

 


 

Advertisements