Muqdisho:- Galabta ayaa waxaa Raysul Wasaaraha Dowlada Federaalka ah ee ku meel gaarka ah Mudane Nuur Xuseen Xasan [Nuur Cade] uu ku dhawaaqey golihiisia xukuumada ee hogaanka xukunka ku meel gaarka ah sii wadi doonta 2sano ee fooda inagu soo haysa.
Wararka goor dhoweyd naga soo gaarey xarunta gobolka Baay ee magaalada Baydhabo ayaa waxay tibaaxayaan in Munaaasabad ballaaran ay ka dhacdey  Xarunta Madaxtooyadda ee magaalladda Baydhabo, iyadoo ay Munaasaabadaasi ay ka soo qeyb galeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Xildhibaano, Wasiiro, Mas’uuliyiin iyo marti sharaf kaleba.
Wararku waxay intaa ku darayaan in inta badan ee wasiirada Xukuumadan Nuur Cade ay ka mid yihiin wasiiradii Dowladii hore ee Prof Cali Maxamed Geedi oo bishii hore iska casiley raysul wasaaranimada.
Wasiirada la magcaabey waxaa ugu cad cad Dr. Maxamed Sheekh Maxamuud Guuleed oo ku magac dheere oo loo magcaabey wasiirka arimaha gudaha oo horena xilkaa u hayey.
Waxaa kale la magcaabey C/raxmaan Jaamac oo kasoo jeeda Sanaag loona magcaabey wasaarada Kaluumeysiga iyo kheyraadka Bada, sidoo kale waxaa meesha ka cad in C/risaaq Biixi uu xilkisii hore laga bedeley oo loo bedeley Wasaarada dibu dejinta.
Waakan liiskii oo goor dhow nasoo gaarey…
Saalim Caliyow Ibrow RWX Wasaarada Hidaha & Tacliinta Sare
Ceydiid Cabdulaahi RWX hayana Wasaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka
Maxamed Cali Xirsi  RWX, hayana Wasaradda H/Guud iyo guriyeynta
Cali Maxamed Maxamuud Xareed- Wasaaradda Dalxiiska
Khadiija Maxamed Diiriye     Wasaaradda Haweenka
Cabdiraxman Cabdi Xuseen   Wasaaradda Warfaafinta
Ismaciil Maxamuud Hure     Wasaaradda Waxbarashada
Xusseen Ceelaabe Faahiye   Wasaaradda Qorsheynta
Drs. Qamar Aadan Ali        Wasaaradda Caafimaadka
Ismaaciil Axmed Nuur         Wasaaradda Gaashaandhigga
Cabdi Xaashi Cabdullaahi    Wasaaradda Degaanka iyo Bey’adda
Maxamed Cabdulaahi  Kaamil   Wasaaradda Warshadaha
Xassan Maxamed Nuur       Wasaaradda Amniga Qaranka
Maxamed Nuuraani Bakar    Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha
Ibrahim Isaaq Yarow              Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta
Maxamed Cali Xaamud       Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga C
Maxamed Ibraahim Xaabsade   Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
Madoobe Nuunow M.          Wasaaradda Dhallinyada & Isboortiga
Cabdi Mohamed Tarah         Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta
Axmed Jaamca Jengeli             W/ Was. Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa
Cali Ismaaciil Cabdi Giir          Wasiirka, Was.Gadiidka Badda & Dekedaha
Cabdiraxmaan Jaamac Abdalla  W/ Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
Maxamed Yusuf Weyrax     Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
Cabdullaahi Yusuf Maxamed  W/ Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta
Cabdirisaaq Isaaq Biixi     W/ Wasaaradda DibU dhiska iyo Dib U Dejinta
Maxamed Maxamuud Guuleed   Wasaaradda Arrimaha gudaha
Abdulaahi Axmed Afrax      Wasaaradda Ganacsiga
Xassan Dhimbil Warsame    Wasaaradda Garsoorka iyo Cadaaladda
Cabdulqaadir Nuur Caraale  Wasaaradda Beeraha
Cali Cabdulaahi Cosoble     Wasaaradda Dib U heshiisiinta
Muuse Nuur Amiin              Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha
LaasqorayNET/Muqdisho

Advertisements