TopStory Madaxweynaha Somalia oo Maanta Laba jeer Laba Shir Jaraa’id ku Qabtay Nairobi Hospital “Waan Fiicanahay Balse in Aan Dhintaa Suuqa Lagaliyey ifiiriya Manoolahay Mase Waa Dhintay Mase Ahay C/laahigii aad Arki jirteen Alle Dilaa Dhinta”.

Madaxweynaha Dawlada Somalia C/laahi Yuusuf Axmed Ayaa Maanta Laba Shir Jaraaid oo is ku mid ah ku Qabtay Isbitaalka uu kaga jiro Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya ee Lagu Magacaabo Nairobi Hospital.

Madaxweynaha ayaa Shirkiisaan jaraaid uga hadlay Arimo Kala Duwan oo ay ugu Badnaayeen Kuwa La xariira Xaalkiisa Caafimaad Madaxweynaha ayaa Salaan iyo Isbariidin Qaybaha Warbaahinta ay is weydaar sadeen kadib waxa uu ugu dagalay Shirkiisa jaraaid waxa uuna ku bilaabay Sida tan.

“…MaaShaa Allah Al Xamdulilaah Waan Ladanahay Waad i ar kaysaan, Balse Qofkastaa waqtigisa Dhaafi Maayo oo mar kii Alle ugu talagalay ayuu dhimanayaa, Anoo Nool Ayaa waxaan Maqlay Waa Dhintay C/laahi Yuusuf Aniga Madaxweynaha Dalka SOmalia kasakow Qof idin la midaa ahay, Saxaafada Qaar ayaa Cadaystay Been iyo Wax aan Wanaagsanayn Warabaahintu Sharuuc ayey lee dahay Beentana Mafiicna Xataa Saxaafada ahaan ka sakow Waa dambiyaWar Aab Alle Weyne ka baqno.

Aniga waa ladanahay waadna Argtaa aad ayaan ufiicanahay Wax Dhibaataa oo aan Qabaana majirto…”

C/laahi Yuusuf oo Shirkiisa jaraaid siiwata ayaa yiri “…Nairobi waa Jeclahay Saaxibo badan oo Dhakhaatiir ah ayaana ku lee yahay Saas ayaan haatan isbitaalkaan ugu jiraa ee Caafimaad daro i haysaa majirto, Saad Ogtihiin Aniga Mar ayaa Qaliin la igu sameeyey Londona waxaa ii jooga Dhaktarkaygi gaar ka ahaa ee Arimahayga caafimaad la socday Saas Darteed ingiriiska London ayaan Adayaa oo Dhakhtarkaygi ayaan utagayaa Sanad kastana waa utagaa Wax Cusub Maahan…”

Madaxweynaha Somalia Mudane C/laahi Yuusuf ayaa isagoo Kaftamaaya Yiri Waa ladanahay waana Fiicanahay Waana ikanaa Horta Anigu ma C/laahi Yuusuf ayaan ahay mase waaba runoo waa dhintay, Hal mar ayaa lawada qoslay.

Madaxwenuhuna Dhankiisa Ayuu ka Qoslay, C/laahi Yusuf ayaa asagoo Shirkiisa Jaraaid siiwata Waxa uu yiri “…Aniga oo Nool oo Aduunka Damaashada Noloshayduna Xayi Tahay ayaan Maqlay Sedex Jeer Waa Dhintay C/laahi Yuusuf, Waan is ka Qoslay hade, Balse Ogaada Alle Dilaa Dhinta Qof ku Nicib kuma dili karo mid ku jecelna Kuma Noolayn KAro Alle Weyne Ayey Geeridu Gacantiisa ku Jirtaa….”

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Ah ee Somaaliya ayaa aad u fiicnaa sidii Wariyayaashu ay arkayeen Madaxweynaha ayaa laba jeer oo kala duwan laba Shir Jaraaid ku Qabtay Qolkiisa oo isbitaalka uga jiro, labadaas Shir Ayuu mid ku Hadlaayey Luuqada Engilishka Halka Kan kalena u ku had laayey Afka Somaaliga, Laba Shir Jaraaid mid Wariyayaasha Caalamka ayaa kasoo qayb galay Halka Shirka kalana ay kasoo qayb galeen Warbaahinta Somalia.

Madaxweynaha Ayaa Sheegay in uu mar dhaw isbitaalka ka bixi doona Una kici timi doono Dalka Ingiriiska, Gaar ahaan Caasimada London.

Halkaas oo uu sheegay in uu ugu tagi doono Dhakhtarkiisi Gaar ka ahaa ee Waligiis xaaladiisa Caafimaad lasocday.

Labadii Shir jaraaid ee Madaxweynaha ayaa kusoo Dhamaaday Jawi aad uwanaagsan, Shirar kaan Jaraa’iid ee Madaxweynuhu Qabtay Waxa ay meesha kasarayaan Warar kii kutiri ku teen ta ahaa ee lagu sheegayey in C/laahi yuusuf Xaalkiisa Caafimaad liito, Madaxweynaha waxaa dhinaciisa midig Fadhiyay Safiirka Dawlada Somalia dalka Kenya ujooga Mudane Maxamed Cali Nuur Ameerika.

HorseedNet.com
Kenya Nairobi

Advertisements