Badhan:- Warar Deg deg ah oo haatan naga soo gaadhaya  magaalada Badhan ee Caasimada Maamulka Maakhir ayaa waxay sheegayaan in Waftibalaadahn oo uu hogaaminayo Wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga ee Maamulka Maakhir ay  galabta gaadheen magaalada Badhan kuwaas oo halkaas aad loogu soo dhaweeyay, dhamaan  Shacabka magaalada Badhan ayaa aad u soo dhaweeay waftigaas.
Axmed Xuseen Yuusuf (Doonyaale) oo ah Xoghayaha arimaha gudaha iyo Amniga ee Maamulka Maakhir ayaa waxay ka soo boqooleen Degmada Dhahar ee xarunta Gobolka Booxaaro halkaasi oo ay mudooyinkan ku sugnaayeen waxana la sheegay in Kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaan Maamulka Maakhir.
Watigaas Balaadhan ayaa markay soo gaadheen magaalada Badhan waxa loo rusheeyay wadooyinka ay soo mareeyeen iyagoo la fasaxay Dugisiyadii lana xidhay goobihii ganacsiga si loo gu diyaar garoobo watigaas, waxa wadooyinka caasimada Badhan isa soo taagay Dad badan oo ruxayay Caleemo Qoyan kuwaas oo ku hal qabasanyay Soo dhawaada Mudanayaal iyo hadalo kale oo la mid ah.
Intaasi ka gadaal ayaa waftigaasi waxa loo gudbiyay Qasriga Mataxtooyada ee Maamulka Maakhir halkaasi oo ay shir albaabadu u xidhan yihiin ay kula yeesheen Masuuliyiin Sar Sare oo uu hogaaminayo Madaxwayne Maakhir Coll Jibriil Cali Salaad iyo Masuuliyiin kale waxana la sheegay inay warbixino kala qaateen walaw aan saxaafada  loo soo bandhigay kulan kaas ay yeesheen masuuliyiintaasi hadana war si hoose ay LaasqorayNet u heshay ayaa waxay taboolka ka qaadayaan inay aad uga wad hadleen arimaha Nabad gelyada Maamulka iyo sidii dibu habayn loogu samayn lahaa Garooka Caalamiga ah ee Magaalada badhan.
Waftigaasi uu hogaaminayo Mudane Doonyaale ayaa waxa kaloo la sheegay inay bari Garoonka Kubada cagata ee Magaalada Badhan ka khudbadayn doonaan sida uu noo xaqiijiyay Afhayeen u hadlay Dawlada Maakhir oo ka gaasaday inuu Magciisa shaaciyo, waxa uu kaloo sheegay in dhamaan Bari ay halkaasi imana doonaan Shacaba Caasimada Badhan Maamulka Gobolka, kan Degmada Badhan.
Dhanka kale Amaanka Caasimada Badhan ayaa aad caawa loo adkeeyay iyadoo dhamaan wadooyinka la qobay Ciidanka Booliska si ay u ilaaliyaan nabad gelayada Caasimada, waxa xusid mudan in kooxa Baan Bayda ay halkaasi iyana joogeen goortii waftigaasi la soo dhawaynayay iyagoo qaadayay Kooxahaasi Heesta Astaanta u ah Caalanka Mamaulka Maakhir.

Jaamac Ayaanle Feyte
LaasqorayNet- Bosaaso

Advertisements