Badhan:- Magaalo madaxda Maamulka Maakhir ayaa waxaa ka socdey maalmahan kulano is daba joog ah oo ay lahaayeen masuuliyiinta maamulka Maakhir iyagoo ka arinsanayey hanaqaadka maamulka Maakhir oo dhowaan laga yigleeyey Gobolka Sanaag iyo qeybo ka mid ah Gobolka Bair.
Qoraalkan hoos ku qoran ayaa waxa uu naga soo gaarey Gudi uu dhowaan maamulkaasi uu magcaabey iyadoo gudidaasi ay ka koobneyd Xoghayaal iyo maamulada ama badhasaabyada Gobolada Maamulka.
Qoraalka ayaa u qornaa sidatan..
Kulan Hawleedka Gudida Sare Ee Hormarinta & Amniga Maamuul Goboleedka Soomaaliyeed Ee Maakhir
Kadib marii kulan hawleed iskugu yimaadeen Gudida Hormarinta iyo Amniga maamulka goboleedka Maakhir
Waxay go’aansadeen qodobada hoos ku qoran:

  •  In la xiriiro jaaliyadaha maakhir ee debeda ku nool.
  • Dhaqalaaha yimaada waa in lagu shubaa koontada madaxweynaha Maakhir isagoo kala kaashanaaya qaab maamulkeeda hantidaas, xogyaha Maaliyada & Gudida Hormarinta iyo Amniga
  • Ina qoro axdi ku meel gaar ah inta laga samaynaaya dastuur.
  • Waa in la ansixiyaa golayaasha maamulka magacaaban marka loo helo awood dhaqaale.
  •  Waa in la ilaaliyo Nidaamka iyo kala danbaynta Maamulka.
  • Waa in la joogteeyo ilaalinta deegaanka iyo isku xidhkooda loona magacaabo guddi kormeer oo heer kasta ah.
  • Waa in la asteyo lana habeyo ciidanka amniga iyo maxkamadaha
  • Waa in dib loo eego waaxda warfaafinta oo hawlo muhiim ah haysa.

Gudigaas oo ka koobnaa xubnaha hoos ku qoran:
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Aminga
Axmed Xuseen Yuusuf Doonyaale ______________
Xogyaha Maaliyada iyo Hormarinta
Axmed Faarax Cali___________________
xogyaha Hawlaha Guud iyo Guriyeynta
Ibraahim Maxamed Cumar____________________
xogyaha macdanta iyo biyaha
Sadiiq Cabdi Miisaan_____________________
Xogyaha Kaluumaysiga iyo Khayraadka bada
Cabdiqaadir Maxamed Siciid_________________
Taliyaha Nabad Sugida MSS
Cali Maxamuud Nuur (Cali Sanaag)________________
Agaasimaha guud ee Warfaafinta
Maxamuud Ismaaciil Jaamac__________________
Gudoomiyaha Gobolka Madar
Casayr Faarax Bille ________________________
K.s Gudoomiyaha Gobolka Boxaaro
Ibraahim Cabdiraxmaan Samatar______________

Advertisements