Waxaa saaka weli soconaya kulamo ay leyihiin Golaha Wasiirada Dowlad goboleedka Maakhir state iaydoo dhamaan kulamadaasi iyo ula jeedkoodu ay tahay Sidii loo horu marin lahaa Dhamaanba Mandaqada Maamulka Makhir iyo Bulshada gobolka waxa looga doodey oo Kulamadaasi si wayn loogu jeex jeexay Sidii loo abuuri lahaa Horumar horle oo aan Marna lga Daalin.
kulanmadaasi aya waxaa ku dhamaa inta badan Xubnaha sar sare ee Maamul goboleedka Makhir waxaana Warbixino dhinacya badan taabanaya ka soo jeediyey Madax wayanah M.S.S Mudane Jibriil Cali salaad oo Wacad ku maray inuu Dadkiisa iyo Dalkiisaba horseed iga Noqonayo Midnimo iyo Dowladnimo.
Intii kulankaasi socday ayaa waxaa uu Madax wayne jibriil ku Nuux nuuxsaday in Jiritaanka iyo horumarka Gobolka uu yahay mid Muqadis ah waxaan uu ugu Baaqay jaaliyadaha ku dhaqan Dalka dibadiisa ee taagrada iyo Wanaaga u haya Dowalda iyo dalka inaanay ka daalin oo dhegta u dhigan ninka aan danta dalkiisa ogown ee Danaha Puntland Durbaanka u garaacaya iyo Beelaha aan Waxba Degaanadooda uga ogalayn ee Deriska la ah.
Dhinaca kale waxaa isla shalay gelinkii dame ka amba baxay Magaalada Badhan ee Fariisinka u ah Maamul Goboleedka Makhir Wefdi balaadhan oo uu Horkacayey Wasiirka Wasaarada arimaha Gudaha iyo amniga Mudane Doonyaale Mar aan qadka Taleefanka habeenkii xalay ahaa kula xiriirney ayaa waxaa uu sheegay Wasiirka wasaarada amniga iyo arimaha Gudaha Maakhir Doonyaale ina Kulamadu ay Maanta soo Geba Geboobayaan Maalinimada Maanta ah balse isagu uu magaalada Dhahar ugu yimi arimo kedis ah oo ka lahaa doonyaale.
Waxaa uu sheegay in Maanta shirku uu soo geba gebooyo isla mar ahaantaana u jeedada kowaad ee ay isugu yimadeena ay ahayn sidii Maamulka arimihiisa Horu socodkiisa laysaga waraysan lahaa oo Caqabadaha hortaagan looga tanaasuli lahaa Doonyaale waxaa kaloo uu shaaca ka qaaday in Wasaarada Amniga Maakhir ay wax kata oo ka dhan jiritaanka Maamulka ay iska Difaacayso iyadoo uu shegay in Dhowaan saxaafada ay u soo bandhigayaan Qodobadii ugu xasaasisanaa kulamadoodaas Qaatay Mudada maalmaha ah.
Dhahar+LaasqorayNET

Advertisements