Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo wareysi gaar ah siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Codka Mareykanka (VOA) ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Kismaayo ee xaunta u ah Gobolka Jubbada Hoose aysan ka talin Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay halkaas ka taliyaan beelo.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa hadalkan bixiyay kadib markii la weydiiyay su’aal ku saabsaneyd in ay magaalada Kismaayo gaareen Rag ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, wuxuuna intaas kadib uu madaxweynaha caddeeyay in taasi dhici karto, isla markaana aysan Dowladda Federaalka dooneynin in ay la dagaasho dadka ku sugan Kismaayo, balse ay qorsheyneyso in ay marka hore heshiisiiso dadka halkaas ku sugan, kadibna ay la dagaasho kooxaha ka soo horjeeda.

“Magaalada Kismaayo hadeer Dowladda gacanteeda kuma jirto oo shacab uun baa iska heysta, Dowladda haddii ay joogi lahaydna lama soo galeen, waana iska suurtagal in ay soo galaan”ayuu yiri madaxweyne C/llaahi oo sheegay in aysan dooneyn in ay la dagaalamaan sida uu yiri qabiilka gacanta ku haya Magaalada Kismaayo, “Waxaan rabnaa in aan marka hore dadka heshiisiino, Dowladda aan ku soo xirno, kadibna aan raggaas argagixisada aan meel cidlo ah iska helno”ayuuna hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha.

Dhanka kalena, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska waxaa wax laga weydiiyay xaaladdiisa caafimaad iyo sida uu u arkayo warar la is-dhexmarayo oo sheegaya in uuba dhintay, wuxuuna madaxweynuhu sheegay in uusan jirin qof intuu qabri ka soo noqday hadal bixinaya, sidaas darteedna wuxuu sheegay in uusan hadalkaas la yaabaneyn oo dhowr jeer oo hore la sheegay in uu dhintay.

“Weligaa qof xawaasha inta ka soo noqday hadlay miyaad maqashay Cowkoow (Wariyaha Wareysanayay), marka in ay arrintaas been tahay sidaas ayaad ku ogaaneysaa”ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo marka uu wareysiga bixinayay uu dhinaciisa joogay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha waxaa uu sheegay in marka uu dhameysto baarista caafimaad ee uu u joogo dalka Ingiriiska uu ku noqon doono Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

hiiraan online

Advertisements