TopStoryWarar ka hada naga soo gaaraya magaalada Bosaaso Ee xarunta Gobolka Bari aya Sheegaya in Wasiirkii Kaluumaysiga & Dekadaha ee Dawlad Goboleedka Somaaliyeed Ee Puntland Mudane Siciid Max’ed Raage uu is ka casilay Xilkaas.

Siciid Max’ed Raage oo saaka wareysi gaar ah siiyey Idaacada BBC-da Laanta Afka Soomaaliga ayaa daboolka ka qaadey in uu isku casiley ka dib markii waa sida wasiirku hadalka u yiriy’e uu khilaaf soo kala dhexgaley isaga iyo madaxweynaaha Dawlad Goboleedka Puntland Mucane Cade Muuse.

Siciid Max’ed Raage ayaa ku macneeyey khilaafkaasi iyo isfaham waagaaasi mid ku aadan shirkadaha heshiisyada ay la gashey Puntland, iyo amuuro ku aadan wadashaqeynta wasaarada Kaluumaysiga & Madaxweyne Cade Muuse Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay madaxeyne Cade Muuse ama xukuumada Puntland oo ku aadan iscasilaada wasiirkii Kaluumaysiga & Dekadaha Badda, mana jirto war ku aadan in laga aqbaley iyo in kale iscasiladaasi Siciid Max’ed Raage.

Lama Qiyaasi karo waxa uu ka dhihi Doona Cade Muuse Madaxweynaha Puntland is casilaada wasiirkaan iyo Waliba in uu ka aqbali doono iyo in kale.

Advertisements