Nairobi:- Afaheeyn u hadalay Booliska dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in saaka gacanta ku dhigeen ilaa 9-Ruux oo laga soo kala qabata meelo kala duwan, afhayeenkaasi waxa uu sheegay inay dadkaasi aad looga shakiyay inay xidhiidh dhaw la Leeyihiin waxa loogu yeedho Argagixiso,kuwaasi oo loo dhaadhiciyay jeelasha Magaalada Nairobi halkaasna Su”aalo lagu waydiinayo.
Afhayeenkaas lagu magcaabo Erek Karaydi ayaa sheegay  inay Boolisku ragaas gacanta ku soo dhigeen iyaga oo kaashanaya Ciidanka la dagaalanka Argagixisada kuwaasi oo hawlgalo balaadhan ka fuliyaya meelo badan oo ka mid ah Dalka Kenya,ka dib markii ay soo bateen  Amaandaro la soo daristay Shacabka Ku dhaqan Dalka kenay.
Mr Erek waxa uu sheegay inay Boolisku haatan dadkaasi dhamaantood ay Su”aaalo waydiinayaan kuwaasi  oo la xaqiijinayo Bal inay wax xidhiidh ah la laayihiin Shabakad Al-Qaacida ee looga shakiyay, waxana uu intaas ku daray in dadkaasi qaarkood laga soo taxaabay Magaalada Bombaasa.
Waxa uu intaas raaciyay Afhayeenkaasi u hadalay Ciidanka Booliska ee Dalka kenay inay Jiraan wali badhi taano xoogle oo way wadaan Booliska Nairobi  kuwaasi oo lagu soo afjaro Amaanka  Caasimada oo mudooyinkan soo xumaanayay.
Booliska Magaalada Caasimada ah ee Nairobi ayaa dabayaaqadii isbuucii aan soo dhaafnay ooda ka qaaday ilaa 23- ruux oo la sheegay inay horay Boolis u soo qabteen kuwaasi oo baadhitaano badan oo la sameeyay lagu waayay wax danbi ah haba yaraatee.

LaasqorayNet/ Nairobi

Advertisements