Nur cadde
Ra’iisul wasaare Nuur Cadde waxaa cadaadis uga yimid golaha baarlamaanka


 

Dhegayso warbixinta

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan dheer oo maanta uu magaalada Baydhabo kula yeeshay xubnaha golihiisa wasiirada ayaa waxa uu sheegay in is bedel la taaban karo ku sameyn doono golihiisa wasiirada, isagoo intaa raaciyay dhisitaanka xukuumad kale loo dhan yahay oo ka tiro yar golaha wasiiradda ee hadda jira, inay sabab u tahay cabashada ka jirta baarlamaanka gudihiisa iyo shacabka Soomaaliyeed.

Nuur Xasan Xuseen, oo golihiisa wasiirada ee uu dhawaan ku dhawaaqay aan la horgeyn, golaha baarlamaanka si loo ansixiyo ayaa sheegay in loo baahan yahay xukuumad tayo leh oo ka timaada dibeda iyo gudaha baarlamaanka tiro isla eg, isagoo sheegay inuu wada tashiyo badan sameeyay gudaha iyo dibedda Somalia.

Tan iyo markii uu Ra’iisul wasaaruhu soo dhisay dowladda cusub waxaa ka soo horjeestay xubno badan oo ka tirsan baarlamaanka iyo beelo, iyadoo qaar ka mid ah wasiiradda cusub ay is casileen.

Golaha Wasiiradda ee dowlada Nuur Cadde ayaa waxay u badan yihiin xubnihii hore ee xukuumaddii Cali Maxamed Geeddi, taasi oo dadka ka soo horjeeda ay ku dhaleeceeyaan in aanay wax ka duwaneyn, oo aanay si bedel keeni karin.

bbcsomali.com

Advertisements