Kalfadhigii 19 ee Baarlamaanka Puntland ayaa ahaa kii ugu xaasaasi sanaa ka dib markii ay halkaas yimaadeen M/wayne Cade iyo kuxigeenka Xasan Daahir.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta su’aalo adadag weydiiyey M/waynaha Puntland su’aalahaas oo ay ka mid ahaayeen maadaama ay dhamaatay Mudadii Bisha ahayd ee loo qabtay Xukuumadda in ay ku soo celiyaan Gacanta Puntland waxa a qabteen.

Dood dheer ka dib ayaa waxaa si kulul loo weeraray M/waynaha iyadoo xildhibaanada qaar ay ka muuqatay cadho xoog leh oo ku aadan tayo xumida xukuumadda Cadde.

Ka M/wayne Cadde oo halkaas ka hadlay waxaa uu sheegay in uu jiray Heshiis dhexmaray iyaga iyo Maamulka S/land xiligii uu hogaamin jiray Jabhadii JPP, waxaanu intaas ku daray in ay jireen waxyaalo ay ku heshiiyeen laakiin aanu maanta halkan ka sheegayn.

Intaas ka dibayaa Golihii waxaa ka dhasahay buuq iyo qaylo cirka isku shareetay iyadoo xildhibaanadu M/waynaha ku tilmaameen khaayin wadan.

M/wayne Cadde ayaa isna halkaas ka cadhooday iyadoo uu ku dhawaaqay in uu xidhan yahay kal fadhigii Baarlamanku nin waliba uu aado gurigiisa.

Kadib xildhibaanadii ayaa iyana ku adkaysay in aanu kala diri karin maadaama uu u yaal mooshin ay rabaan in ay u codeeyaan, Aflagado in hajaab ka dib waxaa hadalkii gaadhay car iyo car.

Cadde Muuse ayaa halkaas ka baxay iyadoo ay Xildhibaanadii sii wataan fadhigoodii waxanay cod aqlabiyad ah isku raaceen in aan la xidhi karin kalfadhiga ilaa la xoreeyo Laascanood.

Advertisements