Badhan:- Xarunta maamul goboleedka Maakhir ayaa maanta waxaa ka dhacay banaan bax looga soo horjeedo goynta dhirta iyo xaalufinta deegaanka oo had iyo jeer lagu eedeyo iney ka danbeeyaan ganacsato aan u aabo yeeleyn jiritaanka deegaaka.
Xubno ka mid ah maamulka Maakhir ayaa ka qayb galey isu soo baxii ka dhacay magaalada iyadoo dadku ay ku cel celinayeen erayo lidi ku ah goynta dhirta weliba geed galoolka iyo cawska.
Kaymaha gobolka Sanaag iyo kuwa Jubada hoose ayaa ah kuwo faro ba’ani ay ku hayaan iyagoo isla markaana dadka ka ganacsada dhuxusha aysan dan ka lahayn dhibaatooyinka ku xiran dhuxuleysiga oo ay ugu weyntahay ciida oo is rogta oo deegaankii uu ku dhaco nabaad guur.

Gaar ahaan Gobolka Sanaag ayaa waxa ku yaala kaymo aad u fac weyn oo soo jiidasho leh iyadoo hada gobolka qaybo ka mid ahi ay noqdeen meelo lama degaan ah maadaama ay dhirtii go’day kadib markii ay xaalufiyeen dhuxulaysatada, deegaanadaas haligmeyna waxaa ka mid dhulka ku dhow dhow magaalada Ceerigaabo oo ka mid ah dhulka ugu quruxda badan geyiga Soomaaliyeed.

Intaas waxaa dheer in Geedka Galoolka ah iyo kan Quraca ah ayaa waxay ku baxaan si dhib oo waqti dheer ah iyadoo halkii geed uu ugu yaraan 60-70 sano uu ku koro taasina ay tahay waqti dheer.
Mudaharaadkii iyo isu soo bixii maanta ka dhacay Badhan ayaa waxa uu ahaa mid ay ka muuqatey isku duubni iyo in dadka deegaanku usoo jeedsadeen iney wax ka qabtaan xaalufinta deegaanka.

Waxaa jira ciidamo ku hubeysan baabuurta dagaalka oo fadhiyadoodu kala yahay Ceelbuh iyo degmada Dhahar oo loogu talo galey sidii ay u cirib tiri lahaayeen dhuxuleysiga iyadoo guutada Dhahar ay guulo wax ku ool ah kasoo gaartey arintan.

Sidoo kale waxaa dad weynaha kasoo qeyb galey Mudahaaradkani ay soo bandhigeen boodhadh ay ku taalo ama ku qoran tahay erayo iyo farshaxano lagu muujinayo kasoo horjeedka dhuxuleysiga.
Ururada Bulshada ayaa sidoo kale Door weyn ka cayaara wacyi gelinta dadka iyo kaalmeynta ciidamada la dagaalkanka dhuxuleysiga iyado ay inta badan ee Ururadaasi ay si weyn uga soo qeyb galeen banaan bixii maanta ka dhacay magaalada Badhan.  Ururadii ka qeyb galeyna waxaa ka mid ahaa ururadan hoos ku qoran.
1.SDO
2.SSDO
3.ALANASAR
4.MAAMULKA MAAKHIR
5.SYDO
6.SAFWO
7.HORN RELIEF
Waxaa amniga goobaha uu mudaharaadkani ka dhacay ilaalinayey ciidamada Booliska degmada oo ay ka muuqatey diyaar garow inkastoo aysan wax mashaqa ah ka dhicin goobihii la isugu soo banaan baxay.

Waxaa ka soo qeyb galay isu soo baxan aqoon yahano si weyn looga yaqaano deegaanka oo ay ka mid ahaayeen
1.     Cabdale Maxamed Faarax
2.     Nabadon Maxamuud Xassan
3.     Abwan Maxamed Axmed Cali {Afdukanle}
4.     Xaji/ Axmed Faaxar Cali
5.     Cabdi Shakur Maxamed Cali
6.     Maxamed Dankali
7.     Faadumo Hassan Findhe
8.     Maxamuud ismail Ciyon

Maamulka Maakhir ayaan isna ka maqneyn goobta isu soo baxa iyadoo masuuliyiin ka mid ahi ay ka khudbadeeyeen goobta isu soo baxa iyagoo ku booriyey sidii loo joojin lahaa dhuxuleysiga, amaan gaar ahna usoo jeediyey ciidamada iyo saraakiisha ku hawlan wax ka qabadka xaalufinta deegaanka.
W/Ismail Yusuf Essa
Shidemadaare@hotmail.com
Ismail764909@yahoo.com
+2525764909

Advertisements