Muqdisho:- Dagaal faraha layskaga gubtay ayaa haatan ka socda Magaalada Caasimada u ah Somaliya ee Muqdisho,dagaalkaas oo sida la sheegay dhex maraya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Somaliya oo isku dhan iyo kooxa ha ka soo horjeeda.

Warka naga soo gaadhaya magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in dagaalkaasi uu ka socodo Jidka warshada ah iyo inta u dhexaysaa goobahaasi.

In kastoo wali socdo Dagaalkaasi hadana waxa jira war hordhaca ah oo ka soo baxayaa khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi iyada oo la soo sheegay inay jiraan dhimasho fara badan taasi oo u budan dhanka dadka rayid ka ah.

Af hayeen u hadlay ciidamada Dawlada Somaliya ayaa sheegay inuu wali dagaalkaasi kaasi socdo ayna meesha ka saareen kooxii dagaalka kula jira.

Warkan oo warbaahinta Maakhir.com si deg deg a ku soo gaadhay awgeed ayaanaan helin wax tafaasi ah oo dheeraad ah Balse saacada ah soo socda ayaan idiin soo gudbin.

Jaamac Ayaanle

Maakhir.com/ Bosaaso

Advertisements