Bosaaso:- Maalintii sideedaa ayay fooda la sii galaysaa inta lagu haysto Wariye ajaanib ah duleedka Magaalada Bosaaso, iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya inuu xaaladiisa caafimaad meel wanaagsan marayo.

Wariyaal ayaa booqday goobta afduubka loogu haytso ninkaasi wariyaha iyaga oo ka soo qaaday Macluumaad iyo sawiro,waxana uu uga waramay inay xaaladaasii caafimaad meel wanaagsan marayso.

Gwen Le Gouil ayaa ahaa sawir qaade isaga oo ka hawl gali jiray TV-ga Chanle 4- ee Dalka France waxana la cadeeyay inay tahay markii labaad oo uu Magaalada Bosaaso soo gaadho isaga oo warbixino ka diyaarinaya arimaha tahriibta.

Maamulka Puntland ayaa xusul duub ugu jira sidii uu u soo dayn lahaa wariyahaasi balse arintaasi wali masuuroobin.

Jaama Feyte

Maakhir.com/ Bosaaso

Advertisements