Laas-caanood:- Wararka haatan naga soo gaadhaya magaalada Laas-caanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa waxay tibaaxayaan inay jiraan dhiila colaadeed oo Gobolkaasi ka taagan iyada oo ay Magaalada joogaan Ciidamo aad u fara badan.

Warka ayaa intaasi ku daray in maanta ay magaalada aad xamaasadeedu ay u kacsanayd taasi oo ay dhamaan dadka oo dhami ka cabsi qabaan in Daagaal ka qaraxo gudaha magaalada oo mudooyinkan degenayd.

Saaka hiirtii waaberi waxaa dagaal xoogan lagu qaaday Bali-hadhac halkaasi oo la soo sheegayo inay fooda isku dareen Labada ciidan oo kala taageersan Maamulada Puntland iyo S/land mana jiraan wax khasaare ah oo isku dhacaas labada ciidan soo kala gaadhay.

Wariyaha warbaahinta Maakhir.com ee magaalada Laascaanood ayaa soo tabinaya inay jiraan abaabul xoogan oo ka jira dhanka Maamulka Somaliland kuwaasi oo dhamaanba hiigan galiyay ciidamadooda.

Lama garanayo Ujeedka ka danbeeya diyaar garwgaas dagaal ee Maamulka somaliland ciidamadiisa joogaa  Gobolka Sool ay wakhtigan sameeyeen balse waxa jira warar si hoose noo soo gaadhay oo sheegay in Maamulka Puntland isbuucyadan soo socda uu qaadi doono dagaal kulul oo uu mar labaad gacantiisa ugu soo celiyo Magaalada Laascaanood ee Bisha ka maqnayd.

Jaamac Ayaanle

Bahda, Maakhir.com

Advertisements