Muqdisho:-Kooxaha ka soo horjeeda ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ayaa caawa weerar hoobiyayaal waxa ay ku qaadeen dhinaca xerada guulwadayaasha iyo xarunta wasaaradii hore ee gaashaandhigga oo ay kala degan yihiin ciidamo kuwa dowladda KMG ah iyo meleteriga Ithoopiya.Dad goob joogayaal ah ayaa saxaafada u sheegay in ilaa 8- Hubiyaal ah lagu ganay goobtaasi ay joogaan ciidamada Itoobiya waxana la soo sheegayaa inay ku dhinteen ilaa 2- Askari oo ka tirsan kuwa Itoobiya

Ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ayaan ridin wax madaafiic ah oo ay jawaab uga dhigayaan hoobiyayaasha lagu soo weeraray iyada oo ay dadku cabsi xoogan ka qabeen inay ridaan hobiyaal oo ay madanaa ku jawaab ciidamada Itoobiya marka weerar lagu soo qaado.

Dhanka kale xalay saqbadhkii ayaa waxa magaalada Muqdisho ka dhacay Dagaal aad u kulul kaasi oo ay food is dareen kooxa ah ka soo horjeeda Dawlada Somaliya iyo ciidamada is garabsanaya ee Xulufada Itoobiyaanku horkacayo in kastoo aan isku dhacaas wax khasaare ah laga soo sheegeen.

Guud ahaan xaalada Muqdisho ayaa ah mid degan caawa iyada oo ay xoogaa mudid inay joogsadeen rasaaso teel teel ah oo salaadii maqarib dhacaysa.

Maakhir.com

Muqdisho

Advertisements