Muqdisho:- Cutukii ugu horeeyay oo ka mid ah Ciidamada Dalka Burundi ayaa goor dhawayd soo gaadhaya caasimada Dalka Somaliya ee Muqdisho,kuwaasi oo diyaarada Millitary ay ku soo Dejisay Garoonka caalamiga ah ee Cadan Cadde Airpor,waxana halkaasi ku soo dhaweeyay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya hogaaminaysa iyo Masuuliyiinta Dawlada Federaalka Somaliya.

In ka badan 100 askari oo ka mid ah ciidamada milateriga dalka Burundi ayaa maanta ka soo degay garoonka dayuuradaha caalamiga Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana ciidamada ay qeyb ka yihiin illaa 1700 askari oo dowladda Burundi ay horey u balanqaaday inay keenayso dalka Somaliya si ay uga qayb qataan dadaalada dalkaasi dib loogu soo celinayo nabada.

Imaanshaha cutubkii ugu horeeyey ee Ciidamada Burundi ay maanta yimaadeen magaalada Muqdisho kuwaasoo ka qeyb qaadanaya howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika uu ka wado Soomaaliya xili ay sii laba lixaad sadeen dagaalada ka socoda Caasimada Somaliya ee Muqdisho kuwaasi oo dhex maraya Ciidamada Dawlada Itoobiya iyo kuwa Somaliya oo isku garab ah iyo Kooxa ah  ka soo horjeeda Dawlada Somaliya iyada oo ay mudooyinakan caasimada marnba anay ahayn mid xasiloon.

Burudni ayaa noqonaysa Dalkii labaad ee ciidamo nabad ilaalin ah ku soo daad gureeya Dalka Somaliya iyada oo ay horay ciidamada uga joogeen gudaha Somaliya Dawlada Uganda oo iyada ku yaboohday ciidamada gaadhaya ilaa 1500- oo Askari oo haatan ku sugan caasimada Somaliya ee Muqdisho.

Jaamac Ayaanle

Maakhir.com/ Bosaaso

Feyte37@hotmail.com

Advertisements